This repository has been archived by the owner on Feb 5, 2019. It is now read-only.
-
Notifications
You must be signed in to change notification settings - Fork 0
/
so.abduh.txt
6249 lines (6247 loc) · 762 KB
/
so.abduh.txt
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
53
54
55
56
57
58
59
60
61
62
63
64
65
66
67
68
69
70
71
72
73
74
75
76
77
78
79
80
81
82
83
84
85
86
87
88
89
90
91
92
93
94
95
96
97
98
99
100
101
102
103
104
105
106
107
108
109
110
111
112
113
114
115
116
117
118
119
120
121
122
123
124
125
126
127
128
129
130
131
132
133
134
135
136
137
138
139
140
141
142
143
144
145
146
147
148
149
150
151
152
153
154
155
156
157
158
159
160
161
162
163
164
165
166
167
168
169
170
171
172
173
174
175
176
177
178
179
180
181
182
183
184
185
186
187
188
189
190
191
192
193
194
195
196
197
198
199
200
201
202
203
204
205
206
207
208
209
210
211
212
213
214
215
216
217
218
219
220
221
222
223
224
225
226
227
228
229
230
231
232
233
234
235
236
237
238
239
240
241
242
243
244
245
246
247
248
249
250
251
252
253
254
255
256
257
258
259
260
261
262
263
264
265
266
267
268
269
270
271
272
273
274
275
276
277
278
279
280
281
282
283
284
285
286
287
288
289
290
291
292
293
294
295
296
297
298
299
300
301
302
303
304
305
306
307
308
309
310
311
312
313
314
315
316
317
318
319
320
321
322
323
324
325
326
327
328
329
330
331
332
333
334
335
336
337
338
339
340
341
342
343
344
345
346
347
348
349
350
351
352
353
354
355
356
357
358
359
360
361
362
363
364
365
366
367
368
369
370
371
372
373
374
375
376
377
378
379
380
381
382
383
384
385
386
387
388
389
390
391
392
393
394
395
396
397
398
399
400
401
402
403
404
405
406
407
408
409
410
411
412
413
414
415
416
417
418
419
420
421
422
423
424
425
426
427
428
429
430
431
432
433
434
435
436
437
438
439
440
441
442
443
444
445
446
447
448
449
450
451
452
453
454
455
456
457
458
459
460
461
462
463
464
465
466
467
468
469
470
471
472
473
474
475
476
477
478
479
480
481
482
483
484
485
486
487
488
489
490
491
492
493
494
495
496
497
498
499
500
501
502
503
504
505
506
507
508
509
510
511
512
513
514
515
516
517
518
519
520
521
522
523
524
525
526
527
528
529
530
531
532
533
534
535
536
537
538
539
540
541
542
543
544
545
546
547
548
549
550
551
552
553
554
555
556
557
558
559
560
561
562
563
564
565
566
567
568
569
570
571
572
573
574
575
576
577
578
579
580
581
582
583
584
585
586
587
588
589
590
591
592
593
594
595
596
597
598
599
600
601
602
603
604
605
606
607
608
609
610
611
612
613
614
615
616
617
618
619
620
621
622
623
624
625
626
627
628
629
630
631
632
633
634
635
636
637
638
639
640
641
642
643
644
645
646
647
648
649
650
651
652
653
654
655
656
657
658
659
660
661
662
663
664
665
666
667
668
669
670
671
672
673
674
675
676
677
678
679
680
681
682
683
684
685
686
687
688
689
690
691
692
693
694
695
696
697
698
699
700
701
702
703
704
705
706
707
708
709
710
711
712
713
714
715
716
717
718
719
720
721
722
723
724
725
726
727
728
729
730
731
732
733
734
735
736
737
738
739
740
741
742
743
744
745
746
747
748
749
750
751
752
753
754
755
756
757
758
759
760
761
762
763
764
765
766
767
768
769
770
771
772
773
774
775
776
777
778
779
780
781
782
783
784
785
786
787
788
789
790
791
792
793
794
795
796
797
798
799
800
801
802
803
804
805
806
807
808
809
810
811
812
813
814
815
816
817
818
819
820
821
822
823
824
825
826
827
828
829
830
831
832
833
834
835
836
837
838
839
840
841
842
843
844
845
846
847
848
849
850
851
852
853
854
855
856
857
858
859
860
861
862
863
864
865
866
867
868
869
870
871
872
873
874
875
876
877
878
879
880
881
882
883
884
885
886
887
888
889
890
891
892
893
894
895
896
897
898
899
900
901
902
903
904
905
906
907
908
909
910
911
912
913
914
915
916
917
918
919
920
921
922
923
924
925
926
927
928
929
930
931
932
933
934
935
936
937
938
939
940
941
942
943
944
945
946
947
948
949
950
951
952
953
954
955
956
957
958
959
960
961
962
963
964
965
966
967
968
969
970
971
972
973
974
975
976
977
978
979
980
981
982
983
984
985
986
987
988
989
990
991
992
993
994
995
996
997
998
999
1000
1|1|Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.
1|2|Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka).
1|3|Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
1|4|Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada).
1|5|adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow).
1|6|ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa).
1|7|Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna.
2|1|Aad baa Macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin Muejisadda Quraanka, Eebe unbaa waa la dhahaa.
2|2|Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada.
2|3|ee ah kuwa rumeeya waxan la arkayn (ee xaq ah) oogana Salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
2|4|ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey Nabiyow, iyo wixii la dajiyey horay, Aakhirana yaqiinin.
2|5|kuwaasi hanuun Eebe yey ku suganyihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.
2|6|kuwii Gaaloobay waxaa isugumid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa).
2|7|Lebaa daabacay Quluubtooda iyo Maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley Dabool waxaana u sugnaaday Cadaab weyn.
2|8|Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi waxaan rumeynay Eebe iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan Mu'miniin ahyn.
2|9|waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey naftooda ahayn mase kasayaan.
2|10|Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyay Cuduro waxayna mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed.
2|11|marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay Hagaajiyayaal.
2|12|iyaga unbaa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.
2|13|marka lagu dhaho rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhihi mawaxaannu u rumayn sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
2|14|markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).
2|15|Eebaa ja abaal marin Jees jeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo Baadidooda, iyagoo ku dhexwareeri.
2|16|kuwaase waxay ku gateen haadida hanuunka, mana ribxin (faa'iidin) ganacsigoodu mana hanuunsana.
2|17|waxay la mid yihiin mid huriyey Dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eche la tagay Nuurkoodii ugagana tadax arkayn.
2|18|waa Dhaga la'aan, Hadala'aan, aragla'aan, xaqana uma soo noqdaan.
2|19|wuxuu la midyahay xaalkoodu sidii Roob Samada ka soo degay oo Mugdiyo onkod iyo Hillaac leh, oy yeelayaan Farahooda Dhagahooda hanqadhka (Danabka) xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebana waa koobay Gaalo.
2|20|wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo aragooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana wax walba waa karaa (oos doonoo).
2|21|Dadow caabuda Echihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horrecyey, waxaadna mudataan inaad dhowrsataan.
2|22|Eebaha Dhulka idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey Samada Biyo, kuna soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa la mid ah idiinkoo og.
2|23|haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo hadhay haddaad runlowtihiin.
2|24|haddaydaan falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu shido Dadka iyo Dhagaxa, loona darbay gaalada.
2|25|ugu bishaaree kuwa rumeeyey (xaqa) Camal fiicanna falay inay mudan Janooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii, markastoo laga arxaaqo xaggeeda midho waxay dhahaan kani waa kii horay naloogu arzuqay, waxaa la siiyey isagoo isu eg (araga) waxayna dhexdeeda ku leeyihiin Haween (Janno) oo nadiif ah, dhexdeedana way ku waari.
2|26|Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku) kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi muxuu Eebe ula jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo.
2|27|ee ah kuwa buriya ballanka Eebe intay adkeeyeen ka dib, oo gooya wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiya Dhulka kuwaasu waa kuwa khasaaray.
2|28|seed uga gaaloobaysaan Eebe idinkoo ahaa waxaan noolayn, markaas Eebe idin soo noolayn ka dibna xaggiisa laydiin eelin.
2|29|Eebe waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas Samada ahaysiiyey kana dhigay Todobo Samo, Eebe wax walbana waa ogyahay.
2|30|xus markuu ku yidhi Eebahaa Malaa'igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku wayneynayna markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.
2|31|Eebe wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan, markaasuu u bandhigay Eebe malaa'igtakuna yidhi'iiga warama magacyada kuwaas hadaad runlowtihiin.
2|32|waxayna dheheen nasahnidaada Eebow, cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu wax oge falsan.
2|33|wuxuuna yidhi Eebe Aadamow uga warran magacyadooda, markuu magacyadooda uga warramay yuu yidhi Eebe miyaanan idiin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan Samooyinka. iyo inaan ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan.
2|34|xus markaan ku nidhi Malaa'igay u sujuuda Aadam, markaasay sujnudeen Ibliis mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka midnoqday galaada.
2|35|waxaana nidhi Aadamow dag adida iyo Haweenaydaadu janada, kana cuna xageeda (cunno) shifo oo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhawaanina geedan oo markaas aad kamid noqotaan daalimiinta.
2|36|Waxaana ka fogeeyey xagooda Jannada shaydaan wuxuuna ka bixiyey waxay ku sugnaayeen, waxaana ku nidhi ka hoobta Jannada, qaarkiinna dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti.
2|37|waxuuna kala kulmay Aadam xagga Eebe kalimooyin, wuuna ka toobad aqbalay Eebana waa toobad aqbalbadane waana naxariiste.
2|38|waxaan ku nidhi ka hoobta xaggeeda dhamaantiin, hadduu idiinka yi-maaddo xaggayga hanuun ruuxii raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo murug midna.
2|39|kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga, kuwaasu waa chclunaar dhexdeedana way ku waari.
2|40|Bini Israa'iilow xusa nicmadayda aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballankaygii aan oofiyo ballankiina, aniga uun igacabsada.
2|41|rumeeyana waxaan dejiyey isagoo rumayn waxaad haysataan, hana noqonina mid ka gaaloobay quraanka kii ugu horreeyay, hana ku gadanina aayaadkayga qiimo yar (aduunka) aniga uun iga dhawrsada.
2|42|hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og.
2|43|ooga salaada, hixiyana sakada, lana rukuuca (lukada).
2|44|ma waxaad faraysaan dadka wanaaga od halmaansantihin naftiina idinkoo akhrin Kitaabka miyeydaan wax ka sayn.
2|45|kaalmaysta samirka iyo salaadda wayna ku wayn tahay salaaddu (ku culustahay) kuwa khushuuca mooyee.
2|46|kuwa citiqaadsan inay la kulmi Echahood xagiisana loo celin.
2|47|Bini'israa'iillow xusa nicmadeydii aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka fadilay caalamkii (markaas).
2|48|48 kana dhawrsada maalin aan naf abaalmarinayn naf (kale) qiyaamada aan lagana aqbalayn shafeeeo lagana qaadayn (ogalayn) furasho loona gargaarayn.
2|49|xusa markaan idinka korinay fircoon iyo colkiisii ce idin dhadhansiin jiray cadaab daran, ayna gawrici jireen wiilashiina ayna dayn jireen gabdhihiina, taasina waxaa ku sugan irntixaam wayn oo Eebihiin.
2|50|xusa markaan idiin dhanballay badda oon idin korinay oona maanshaynay fircoon iyo colkiisii idinkoo cegaya.
2|51|xusa markaan u yaboohnay (Nabi) muuse afartan habeen, markaas aad yeelateen dibi (aad caabudeen) gadaashiis idinkoo daalimiin ah.
2|52|markaas aan idin saamaxnay arrintaas ka dib si aad u mahdisaan.
2|53|xusa markaan siinay (Nabi) muusc kitaab iyo kala bixiyc (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
2|54|xusa markuu (Nabi) muuse ku yidhi qoonkisa qoonkiisa qoonkayiw waxaad dulmideennaftiina yeelashadiini dibiga (caabudo) ee u toobadkeena Eebihiina dilana naftiina, saasaa idinku khayr badan Eebihiin agtiis, markaasu idinka toobad aqbalay maxaa yeelay Eche waa toobad aqbal badane naxariista.
2|55|xusa markaad dhahdeen muusow kuma rumaynayno intaan ka aragno Eebe si cadaan ah, markaasay idin qabatay qaylo iyo naar idinkoo eegi.
2|56|markaasaan idin soo bixinay geeridiinii ka dib si aad u mahadisaan.
2|57|waxaan idinku haddaynay Daruur, waxaan idinku soo dajinay macaan iyo hilib (shimbireed) waxaana idinku nidhi wax ka cuna wanaaggan idiinku arzaaqnay, mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen naftooda uun kuwa dulmiya.
2|58|Xusa markaan nidhi gala magaaladan oo kacuna xageeda Meejaad doontaan barwaaqa ah. kana gala irridda idinkoo sujuudsan dhahana (Eebow) hoobi (danbi) aan idiin dhaafno gafafkiinee. waxaan u siyaadinayna samafalayaasha (wanaag).
2|59|markaasay ku badaleen kuwwi dulmi falay hadalkii loo yidhi mid aan ahayn, markaasaan kaga soodajinay kuwii dulmiga falay Cadaab samada faasiqnimadoodii ay falayeen darteed.
2|60|Xusa markuu (Nabi) Muuse u roobdoonay qoonkiisa markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada Dhagaxa, waxaana ka dilaacay xaggeeda Labo iyo toban ilood, wunna ogaaday ruuxkasto (Koox kasta) meeshay ka cabbilahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebe Dhulkana fasaad ha ku xumeynina.
2|61|Xusa markaad dhahdeen Muusow kuma samrayno cunno kaliya ee noobari Eebaha ha noo soo bixiyo waxa dhulku soo dhaliyo, oo ah Bagal, Xinidh, Toon, cadas iyo Basal, wuxuuna ku yidhi mawaxaad ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u (hoobta) daga masar waxaad helaysaan waxaad warsateen, waxaana laguqadaray dulli iyo miskiinimo, waxayna lanoqdeen cadho Eeve, arrintaasna waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka Gaalooba aayaadka Eebe, dilayeenna Nabiyada xaql…aan, taasina waa caasinimadooda darteed iyo xadgudubkoodii.
2|62|kuwwi rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo saab'iiinta cidii rumeysa Eebe iyo Maalintii dambee oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodan.
2|63|Xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) oo korkiina yeelay (Buurta) Dhuur oon idinku nidhi ku qaata waxaan idinsiinay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u dhawrsataan.
2|64|markaasaad jeedsateen intaas ka dib, hadduusan jirin fadliga Eebe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan lahaydeen kuwa Khasaaray.
2|65|dhab ahaanbaad u ogtihin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah markaasaan ku nidhi noqda daanyeer la fageeyo (oo dullaysan).
2|66|waxaana kayeelay ciqabtaas waanada waxa ka horeeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano kuwa dhowrsada.
2|67|xusa markuu ku (yidhi) (Nabi) Muuse Qoomkiisa Eebe wuxuu idin fari inaad gawraedaan sac, waxayna dheheen miyaad nagu jees jeesi, wuxuuna yidhi waxaan ka magangali Eebe inaan ka mid noqdo Jaahiliinta.
2|68|waxaayna dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahaye, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas (labadaas) ee fala waxa laydin fari.
2|69|waxay dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo Midabkeeda, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac Boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin (cajabin) kuwa eegi.
2|70|waxay dhaheen no hari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga, kaana shabbahday (isu ekaatay) Lo'dee, hadduu Eebe doonana waan toosaynaa.
2|71|wuxuu yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna Beerta, wayna ka nabadgashantahay (eeeb) midab kalana ma leh, waxay dheheen haddaad la timid dhabta, markaasay gawraccen Siccii, waxayna udhwadeen inayna falin.
2|72|xusa markaad disheen naf ood isku khilaafteen Eebana wuu soo bixin (muujin) Waxaad qarineyseen.
2|73|waxaan ku nidhi ku garaaca kan la dilay Saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebe wixii dhintay, idiina tusin aayaadkiisa si aad wax u kastaan.
2|74|markaasay ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama waa ka darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo.
2|75|ma waxaad damcaysaan Mu'miniintaay inay rumeeyaan yuhuudda xaqa oy (idinraacaan) iyahoo kooz ka mid ahi ay maqlayaan hadalka Eebe (Towreed) haddana ay xarrifaan (leexiyaan) intay kaseen kadib, iyagoo og (inay gafsanyihiin).
2|76|markay la kulmaan kuwii rumeeye (xaqana) waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale la kaliyoobana waxay dhahaan ma waxaad uga sheekaynaysaan (u qireeysaan) Mu'miniinta, waxa Eebe idiinfaray (oo xaqnimada NabigaMuxamed ah) si ay idiinkula doodaan Eebe agtiisa miyaydaan waxkasayn.
2|77|miyayna ogayn in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin.
2|78|waxaa ka mid ah Ehelu Kitaabka kuwo aan wax qorayn waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab (Towreed) hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma socdaan.
2|79|halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku qoraya Kitaabka (Towreed) Gacmhooda hadana dhihi kani wuxuu ka yimid xagga Eebe si ay qiimo yar ugu gataan, halaag baana ugu sugnaaday waxay qori Gacmahoodu, halaag baana ugu suganaaday waxay kasban.
2|80|waxay dhaheen yuhuud nama taabanayso naaru waxaan ayaamo tirsan ahayn, waxaad dhahdaa ma ballan baad ka qaadateen Eebe agtiisa oosan idinkaga baxayn Eebe ballankiisa. mise waxaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn.
2|81|saas ma aha ee ruuxii kasbada xumaan oo uu koobo gafkiisu ciddaasi waa asaxaabta naarta, wayna ku waari dhexdeeda.
2|82|kuwa rumeeyey (xaqse) oo camal wanaagsan sameeya kuwaasi waa asaxaabta Jannada wayna kuwaari dhexdeeda.
2|83|xusa markaan ka qaadnay Banii Israa'iil ballan inaydaan caabudin Eebe mooyee, iyo inay u sama falaan labada Waalid iyo qaraabada, agoonta masaakiinta iyo inay u dhahaan wanaag, salaaddana ooaan bixiyaana sakada, markaasaad jeesateen in yar oo ininka mid ah mooyee, idinkoo jeedsan.
2|84|xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) inaydaan iska daadin Dhiig (inaydaan isdilin) aydaan qaarkiin (qaarka kale) Guryihiinna, ka bixinin markaasaad aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi.
2|85|hadana waxaad ahaateen kuwo dili Naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah Guryahooda, idinkoo isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo haddii la qafaashana waad furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu, Miyaad rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar, ruuxii saas fala oo idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta qiyaame oo loo celin cadaab daran mooyee, Eebana ma halmaamayo waxaad falaysaan.
2|86|kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo (ee dhaw) aakhiro, lagamane fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro.
2|87|dhab ahaan yaan u siinnay (Nabi) musse Kitaabka, waxaana raacinnary gadaashiis Rasuullo, waxaana siinnay (Nabi) Ciise Ibnu maryama Mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinay ruux daahir ah (Jibriil) marastoose idiinla yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn (xaqa) ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan.
2|88|waxayna dheheen yuhuud quluubtanadu waxay ku sugantahay dabool, saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay rumeeyn.
2|89|markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah (Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato, gaaladee.
2|90|waxaa u xun waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey xasad dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid ah, waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
2|91|marka lagu yidhaah Yuhuudda rumeeya waxa Eebe soo dajiyey waxay dhahaan waxaannu rumeeyn waxa nalagu soo dejiyey, wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa maxaad ugu disheen nabiyada Eebe horay haddaad Mu'miniin tihiin.
2|92|dhab ahaan yuu idiin la yimid (Nabi) Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen Dibi (ilaah) isaga kadib idinkoo daalimiin ah.
2|93|xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin siinay xoog (niyadadag) maqlana (xaqa) waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey quluubtooda (jacaylkii) Dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu haddaad muuminiin tihiin.
2|94|waxaad dhahdaa hadday daarta aakhiro idinka uun idiinsugnaatay Dadka kale ka sokow jeelaada geeti haddaad run sheeqaysaan.
2|95|man jeelaanayaan (Geerida) waligood, waxat hormardadeen Gacmahoodu darteed, Eebana waa ogyahay daalimiinta.
2|96|dhab ahaan waxaad ugu ogaan Yuhuudda inay ugu dadaal badanyihiin nolosha, kuwa Gaalada ah qaarkood wuxuu jeeelyahay in la cimrisiiyo kun Sano, cimrigaasna kama fogeeyo cadaab Eebana waa arkaa waxay camal fali.
2|97|waxaad dhahdaa ruuxi Col u ah (Malaku) Jibriil (waa Colka Eebe) maxaayeelay wuxuu ku dajiyey Qalbigaaga Idin Eebe dartiis, isagoo rumeyn Quraanka wixii ka horeeyey waana Hanuunja iyo Bishaarada Mu'miniinta.
2|98|ruxii col Eebe ah, Malaa'igtiisa, Rasuuladiisa, Jibriil iyo Miikaa'iil Eebana Colbuu u yahay Gaalada.
2|99|dhab ahaan yaan kuugu dajinay Aayaad Cad cad kamana gaaloobo Faasiq cid aan ahayn.
2|100|markastooy ballantamaana Yuhuuddu waxaa tuura (buriya) ballanka koox ka mid ah, saas ma ahee Yuhuudda badankood waxba ma rumeeyn.
2|101|markuu uga yimid Rasuulku xagga Eebe isagoo rumayn waxa agtooda ahna (Tawrced) waxay ka tuuraan koox ka mid ah kuwii Kitaabka la siiyey (culimada Yuhuudda) Kitaabka Eebe Dhabarkooda Gadaashiisa, waxayna la mid yihiin iyagoon garanayn.
2|102|waxay raaceen Gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta yaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la'aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baasleh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin.
2|103|hadday kuwa (Sixirkabaran) rumeeyaan xaqa oy dhawrsadaan wanaag kuabaalamarinta Eebe yaa u Khayr roon hadday ogyihiin.
2|104|kuwa xaqa rumeeyow ha dhihina na ilaali ee dhaha na sug maqlana, Gaalana waxaa a sugnaaday cadaab daran.
2|105|ma jeela kuwii Gaaloobay oo ehelu Kitaabka ahaa (Yuhuud iyo Na- saara) lye Gaaladii Carbeed in Iaydinku soo dajiyo khayr xagga Eebe ka yimid. Eebana wuxuu ku kaliyeelaa Naxariistiisa ruuxuu donna, Eebana fadligiisu (Khayrkiisu) waa waynyahay.
2|106|waxaan tirro oo aayad ah ama aan dib u dhigno waxaan keenaynaa mid ka khayrbadan ama la mid ah, miyaadan ogayn in Eebe wax kastoos (doono) uu karo.
2|107|miyaadan ogayn in Eebe leeyahay xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Idinmana sugnaanin Eebe ka sokow sokoeye iyo gargaare midna.
2|108|mise waxaad dooneeysaan inaad wax warsataan Rasuulkkiinna sidii loo warsaday (Nabi) Muuse mar hore ruuxii ku bedasha Gaalnimo limaan wuxuu ka dhumay Jidka toosan.
2|109|waxay jeelyihiin in badan oo ehelu Kitaab ah (Yuhuud iyo Nasaara) inay idiin eeliyaan iimaankiina ka dib Gaalo, Xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu u eaddaaday ka dib, ee iska eafiya iskana saamaxa inta Eebe ka keeni amarkiisa (Ia dagallankooda ama islaamkooda) Eebana waxkastuu doono wuu karaa.
2|110|Salaaddana ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa.
2|111|waxay dhaheen ma galo Jannado ruuxaan Yuhuud ahayn ama Nasaaro, taasina waa yididiilo (been ah) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan.
2|112|Ruuxiise u hogaamiya Wajigiisa Eebe isagoo soma fala ah, wuxuu ku Ieeyahay Ajrigiisa Eebe agtiisa, mana cabsadaan mana walbahaaraan.
2|113|Yuhuud waxay tidhi Nasaaro waxba ma aha, Nasaarana waxay tidhi Yuhuudu wax ma aha, iyagoo akhrin Kitaabka (Tawreed iyo lnjiilba) saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna «Gaaladii Carbeed», hadalkoodoo kale, Eebana wuu kala xukumin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku diidanaayeen.
2|114|l cidna kama dulmi badna ruux reebay (diiday) in masaajidda Eebe dhexdiisa lagu xuso Magaeiisa, una eamal fala say u kharaahi Iahayd (Masaa-Jiddu) kuwaas (Gaalada ah) Xaq uma leh inay galaan Masaajidda iyagoo eabsan mooyee, Adduunka waxay ku mudan dulli Aakhirana Cadaab Wayn.
2|115|Qorax ka soo box iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa Jaho Eebe (markaad Qiblada garanweydaan) Eebana waa waasac (Naxariistiisu) wax walbana og.
2|116|waxay dhaheen Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan.
2|117|isagaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka, markuu doono arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
2|118|1I waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn (Gaaladii) muxuu Eebe nooola hadli waayey ama noogu imaan wayday aayad, saaso kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is Shabbahday (isu ekaatay) qulubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin.
2|119|anagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo Bishaarayn Digana, lagu warsanna maayo ehelka (Naarta) Jaxiimo.
2|120|Kaama raalli noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raaedo Diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka Eebaa hanuun ah, haddaad raaedo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebe sokeeye iyo Gargaare (midna).
2|121|kuwaan siinnay Kitaabka waxay u raacaan raacid Xaq ah (u akhriyaan) kuwaasina waxay rumeyn Qurannka, ciddii ka Gaalowdana Quraankase (ama Nabiga) waa cidda Khasaartay uun.
2|122|Banii Isra'iilow xusa Niemadaydii aan iddinku Niemeeyey iyo inaan idiinka fadilay adduunka (Waqtigiinii).
2|123|ka dhawrsada maalintayna Nafna naf kale ka abaalmarinaynin waxba, Furashana aan laga aqbalayn, Shafeeeana ayan anfaeayn oona loo gargaarayn.
2|124|xusuusta marka Eebe ku imtixaamay Nabi Ibrahim kalimooyin (ereyo) uuna dhameeyey, kuna yidhi waxaan kaaga yeeli Dadka Imaam, wuxuuna yidhi (Ibrahiim) Caruurtaydana (kayeel) (Eebe) wuxuu yidhi ballankaygaa (liican) ma gaadho daalimiinta.
2|125|xusuuso markaan ka yeeley baydka (Kaebada) meel Dadku ku kulmo, iyo Nabadgalyo kana yeesha Maqaamka Ibrahim meel lagu tukado, waxaan u waxyoonay Nabi Ibrahim iyo Ismaaeiil inay u daahiriyaan baydkayaga kuwa dhawaafi, kuwa ku nagi, iyo kuwa Rukuuei ee sujuudi.
2|126|xusuuso markuu yidhi (Nabi) Ibraahim Eebow kayeel Magaaladan (Maka) aamin kuna Arzaaq Dadkeeda Midho kooda rumeeya Eebe iyo Maalinta dambe (Qiyaamada) (Eebe) wuxuu yidhi iyo kan gaalobaba waan u raaxayn in yar markaas waanu galin Cadaabka Naarta meel la ahaadana iyadaa u xun.
2|127|xusuuso markuu kor yelay Nabi Ibraahim Tiirarka Kaebada iyo Nabi Ismaaeiil iyagoo leh Eebow naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge,
2|128|Eebow naga yeel kuwa kuu hogaansama, Faraeanagana ka yeel Umad kuu hogaansama nana tusi eamalkannaga (Xajka) nagana toobad aqbal adaa toobad aqbalbadane. Wanaaghabadane ahe.
2|129|Eebow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga barana Kitaabka (Quraanka) iyo xigmada (sunada Nabiga) oo nadiifiya adigaa adkaade, Falsame ahe.
2|130|Yaa naea diinta Nabi Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa mooyee, waana doorannay Nabi Ibraahim, adduunyada, aakhirana wuxuu ka midnoqon kuwa suusuuban.
2|131|xusuuso markuu Eebe ka yidhi hogaansan oo uu yidhi waan u hogaansamay Eebaha Caalamka,
2|132|wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
2|133|miyaad joogten (Yuhuuday) marka Geeridu u timid (Nabi) Yacquub markuu ku yidhi Caruurtiisa maxaad caabudaysaan Gadaashay, ayna dheheen waxaan caabudaynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahim, Ismaeiil iyo Isxaaq Eebe kaliya, isagaana u hogaansamaynaa.
2|134|taasina waa ummad taktay, waxayna Mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydina warsan maayo waxay Camalfalayeen.
2|135|waxay ku dhaheen Gaaladii Muslimiinta ama Yuhud noqda ama Nasaara aad hanuunteene, waxad dhahdaa mayee milladda (Diinta Nabi) Ibraahim yaan raacaynaa ee Xaqa u iishay, kamana mid ahayn Gaalda.
2|136|waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe.
2|137|hadday u rumeeyaan saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku suganyihiin khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebe isagaa wax maqla waxna oge.
2|138|ku sugnaada Diinta Eebe, yaa ka fiican Diinta Eebe (ma jiro) isagaana caabudaynaa.
2|139|waxaad dhahdaa Nabiyow ma waxaad igula doodaysaan Eebe isagoo Eebahanno iyo Eebihiinna ah, anaguna Camalkanagu noo sugnaaday idinkuna Camalkiina, isagaana u kali yeelaynaa Diinta.
2|140|mise waxaad dhahaysaan Nabi Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub iyo Caruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara, waxad dhahdaa ma idinkaa wax og Mise Eeben yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebe ku yeeshay, Eebana ma halmaamo waxaad falaysaan.
2|141|taasi waa umad tagtay, waxayna mudan waxay kasbatay idinkuna waxaad mudaynasaan waxaad kasbateen, laydin warsannamaayo waxay camalfalayeen.
2|142|waxay dhihi kuwii xumaa ee Dadka (Gaalada) ka mid ahaa maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay Qaabilijireen (Baytul Maqdis) waxaad dhahdaa Nabiyow Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin Ciduu doono Jidka toosan.
2|143|saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka.
2|144|dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma halmaansana waxay Camal fali.
2|145|hadaad ula timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi kuu yimid (waxyiga Eebe), waxaad ka mid noqon daalimiinta.
2|146|kuwaan siinay Kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan Caruurtooda. koox kamid ahna waxay qarin xaqa iyagoo og.
2|147|xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebahaa ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya.
2|148|cidwalba waxay leedaahay joho ay dhawrto (raaedana) ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin keeni (oo idin kulmin) dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono),
2|149|meelkastood u baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan.
2|150|meelkastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan.
2|151|«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin.
2|152|ee I xusa aan idin Xusee (ajir idin siiyee) iguna mahadiya hana iga Gaaloobina.
2|153|kuwa (Xaga) rumeeyow kaalmaysta Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree.
2|154|hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas ma aha ee waa noolyihin, mase kaseysaan.
2|155|waxaan idin ku Imtixaannaynaa wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo midhaha, ee u Bishaaree kuwa Samra.
2|156|kuwaas markuu dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa.
2|157|kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan.
2|158|Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka (Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.
2|159|Kuwa qariya waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta iyo Mu'miniinta).
2|160|Marka laga reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan.
2|161|Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan.
2|162|Waxayna kuwaari dhexdeeda (naarta iyo nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka Loomana sugo.
2|163|Eebihiin waa Eebe kaliya isaga mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste.
2|164|Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi.
2|165|Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay.
2|166|markay iska bariyeelaan juwii la raacay kuwii raacay, oy arkeen Cadaabka kalana go day xidhiidhkoodii.
2|167|waxayna dhaheen kuwii raacay haddii nala celiyo waan iska bariyeeli lahayn xaggooda say iska kaanna bariyeeleen, saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda
2|168|Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illen Cadaw ead buu idiinyahaye,
2|169|wuxuuna idin fari uun xumaan iyo Macsiyo iyo inaad ku sheegtaan Eebe waxaydaan ogayn.
2|170|marka lahu dhaho Gaalada raaca wuxuu soo dajiyey Eebe, waxay dhihi saas ma aha ee waxaanu eaaci waxaan ka helley Aabayowganno (oo caabudi) oo hadday yihiin Aabayowgood kuwaan wax kasayn Hanuunsanayna (miyey raaci),
2|171|waxay la midyihiin kuwii Gaalobay mid u dhawaaqay (Heesi) waxaan wax maqlayn, kasayna Qaylada iyo Dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna ma arkaan, waxna ma kasaan.
2|172|kuwa Xaqa rumeeyow wax ka Cuna wanaagaan idinku aezuqnay, kuna mahdiya Eebe hadaad tihiin kuwo isaga Caabudi.
2|173|wuxuu uun idinka reebay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebbe Magiciisa waxaan ahayn lahu gawraco ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi masaara (inuu) wax ka cuno Eebana waa dambi dhaafbadane Naxariisbadan.
2|174|kuwa qariya waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaabka ah (Quraanka) kuna gata lacay yar kuwaasi kuma cunayaan (ma galinayaan) Calooshooda waxaan Naar ahayn, lamana hadlo Eebe Maalinta Qiyaame mana daahiriyo waxayna Mudan Cadaab daran.
2|175|kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida Hanuun, Cadaabna dambidhaafid maxaa uga adkaysi badan Naarta.
2|176|arrintaas waxa ugu wacan in Eebe u soo dejiyey kitaabka xaqa ah kuwii iskudiiday kitaabkana waxay ku suganyihiin khilaaf Fog.
2|177|Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kura baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda, bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ky runsheeqay Iimaankooda waana kuwa dhawrsada.
2|178|kuwa xaqa rumeeyow wxaa laydinku waaJibiyey Qisaasta Dadka la dilo, xurta xurbaa loo qisaasan, Adoonkana addoon, Haweeneydana Haweeney, ruxiise looga cafiyey Walaalkis (xaggiisa) wax waxaa saarun inuu si fiican u raaco isna Si fiican Loogugudo, taasina waa fudayd xagga Eebe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan Cadaab daran.
2|179|waxaa idinku sugan Qisaasta nolol Dadka wax garadka ahow waxaadna mudantihiin inaad dhawrsataan.
2|180|waxaa laydinku waajibiyey markaad Dhimanavsaan hadaad ka tagav saan Xoolo dardaaranka Waalidaynka iyo Qaraabada si wanaagsan, Xaq vayna ku tahay kuwa dhawrsada.
2|181|ruuxiise badala dardaaranka intuu maqlay ka dib dambigu wuxuu saaranyahay uun kuwa wax badala, Eebana waa maqle og.
2|182|ruuxii uga cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi masaara, Eebana waa dambi dhaafbadane naxariis badan.
2|183|kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan.
2|184|waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamp kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin «quudin» Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inad Soontaan yaana idiin khayrbadan haddaad tihiin kuwo wax og.
2|185|waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe.
2|186|hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan.
2|187|waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan,
2|188|hana ku Cunina Xoolihiinna dhecdiinna si baadhil (Xaq darri ah) idinkoo u dhiibi (Laaluush) Xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah Xoolaha Dadka dambi idinkoo og.
2|189|waxay ku warsan Nabiyow Bisha ee waxaad Dhahdaa waqtigay (mudday) ugu tahay Dadka iyo Xajka, mana aha Samo falku inaad ugaga timaadaan Guryaha xagga dhabarka ee sama fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana immadda Guryaha Albaabada, kana dhawrsada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad Liibaantaane.
2|190|kula dagaalama Jidka Eebe kuwa idinla dagaalama, hana xadgubina Eebe ma jeelee kuwa xadgudbee.
2|191|ku dila meejaad ka heshaanba, kana bixiya meejey idin ka bixiyeen, Gaalnimaa ka daran Dilka, ha kula dagaalamina Masajidka Xurmaysan agtiisa intay idinkula dagaalamaan Dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la dagaalama, sasaa abaalka Gaalda ahe.
2|192|haddayse reebtoomaan Eebe waa dhaafidbadanae naxariis badan.
2|193|la dagaalama intaan la helin gaalnimo, oo Diintu u ahaan Eebe, hadday reebtoomaan lalama Collaytamo cidaan xadgudbayn.
2|194|Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda) waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada.
2|195|ku nafaqeeya (ku bixiya wax) Jidka Eebe, hana ku tuurina Gaemihiina halaag (waxbixin la'aan) wanaagna fala, Eebe wuxuu jecelyahay kuwa wanaaga fala.
2|196|dhamaystirana Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idiin saaran wixii fuduudaada oo hadya ah (inaad gawraedaan) hana ciirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meejeeda, ruuxi idinka mid ah oo buko ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran Fidyo (Furasho) Soon ah, ama Sadaqo, ama gawrae, markaad aamin noqotaan ruuxii cumro iyo Xajku ku raaxaysta (kulmiya) waxaa saaran wixii Fududaada oo hadya ah (gawrae), ruxaanse helin ku Soon Saddex maalmood Xajka iyo todoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa toban buuxda, waase ruuxaan deganayn Masaajidka la xurmeeyey (maka) ka dhawrsada Eebe ogaadana in Eebe yahay kay darantahay Ciqaabtiisu.
2|197|Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe, ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow.
2|198|korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan.
2|199|markaas ka gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee.
2|200|markaad gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa, Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn Aakhiro qayb.
2|201|waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka Naarta.
2|202|kuwaasi waxay mudan qayb waxay kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu.
2|203|xusa Eebe maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in xagiisa laydiin soo kulmin.
2|204|Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan.
2|205|markuu jeedsadana, soeda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba, Eebana ma jeela fasaadka.
2|206|marka loo dhoho ka dhawrso Eebana waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan jahannamo iyadaana u xun gogol.
2|207|dadkana waxaa ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raali ahaanshah Eebe, Eebana waa u naxariistaha addoomada.
2|208|kuwa xqqa rumeeyow u gala Islaamka dhammaan (kuna camal fala) hana raacina Waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col Cade.
2|209|haddaad simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade falsan.
2|210|miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo Malaa'igtu lana xukumo amarka, xagga Eebaana loo celin umuuraha.
2|211|waydii Banii Israa'iil imisaan siinay Aayad Cad, ciddii badasha Nicmada Eebe intay u timid, Eebe Ciqaabtiisu waa ku darantahay.
2|212|waxaa loo qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jees jeesaan kuwa rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn Maalinta Qiyaame, Eebana wuu Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan.
2|213|dadky wuxuu ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan Dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebe waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebana wa ku hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan.
2|214|ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon idiin imaanin wixii u yimid kuwii tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay Baahi iyo Cudur, waana la gilgilay intuu ka dhaho Rassulku iyo kuwa rumeeyey lana jira, waa goorma gargaarka Eebe, gargaarka Eebana waa dhawyahay.
2|215|waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan Labada waalid qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Soodaha Waxaad fashaana oo kahr ah Eebe waa ogyahay.
2|216|waxaa laydinku waajibiyey Dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax, isgoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeelaataan wax isagoo shar idiin ah, Eeba wax og idinkuse ma ogdin.
2|217|waxay ku warsan Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda.
2|218|kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii Hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebe, Eebana waa dambidhaafe naxariista.
2|219|waxay ku waydiin Khamrada iyo Qamaarka waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda Dambi weyn, iyo wax Naefi ah dambigooda yaana ka weyn naefigooda, waxayna kuwaydiin maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa (bixiya) saa'idka, saasuuna Eebe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudantihiin inaad fikirtaan.
2|220|adduun iyo aakhiraba (inaad ka fikirtaan) waxayna ku waydiin agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa kahyrbadan, haddaad dheehdaana waa Walaalihin, Eebana waa ogyahay cidda waz fasaadin iyo kan hagaajin, haduu doono Eebana wuu idin dhibi lahaa, Eebana waa adkaade falsan.
2|221|ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan.
2|222|waxay ku waydiin Caadada (Ilaweenka) dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada meeja Caadada, hana u dhawaanina intay ka daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meejuu idinfaray Eebe, Ilaahaynna wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya.
2|223|Ilaweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta.
2|224|ha uga yeelina Eebe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn Dadka dhexdiisa, Eebana waa maqle wax og.
2|225|iddin ma qabanayo Eebe dhaar qasad la 'aaneed, wuxuuse idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebana waa dambi dhaafe dul badan.
2|226|kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista.
2|227|hadday goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah.
2|228|Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe. Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan.
2|229|furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan inayn oogin xuduudda Eebe Mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda Eebe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, tassi waa xuduudda Eebe ee ha tallaabina ruxii tallaaba xuduudda Eebe kuwaasi waa daalimiinta.
2|230|hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin kale, hadduu (kaasi) furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og.
2|231|haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay.
2|232|haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebe iyo Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.
2|233|waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda, kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan Eebe arko.
2|234|kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah oo ka taga Haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebana waxaad falaysaan waa ogyahay.
2|235|dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay.
2|236|dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada.
2|237|haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa.
2|238|xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci).
2|239|haddaad cabsataan Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa Eebe siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada).
2|240|kuwa la oofsado (dhinto) idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah, Eebana waa adkaade falsan.
2|241|kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada.
2|242|saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad kastaan darteed.
2|243|ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kuman ah digtooni geeri darteed, markaas ku yidhi Eebe dhinta, soona nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa, Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan.
2|244|ku dirira Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay.
2|245|waa kuma kan amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka.
2|246|ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen, in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta.
2|247|wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo Waasac ah (Badan) wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og.
2|248|Nabigoodii wuxuu ku yidhi calaamadda Xukunkiisu waa inay u timaado taabuud (sanduuq) oy ku jirto xasiloonida Eebihiin iyo wax ka soo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo ehelkii Haaruun oo Mala'igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan haddaad tihiin Mu'miniin.
2|249|markuu la baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa Samra.
2|250|markay u soo muuqdeen Jaaluud iyo Colkiisii waxay dhaheen Mu'miniintii Eebbow ku shub korkannaga Samir, sugna Gomadahanaga noogana gargaar Qoomka Gaalada ah.
2|251|markaasay (Mu'miniintii) jabiyeen Gaaladii idinka Eebe, wuuna dilay Daawuud Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebe Daawuud Xukun iyo xigmo (Nabinimo iyo Cilmi) wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan jirin ku reebidda eebe dadka qaarkood qaarka (kale) waxaa fasaadi lahaa dhulka hasayeeshee Eebe waa fadli u saaxiib «u deeqe» caalamka.
2|252|taasi waa aayadka Eebe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah, adiguna Waxaad kamidtahay kuwa la soo diray «Rasuulada»;
2|253|kuwaasu waa Rasuuladi Waana ka fadilnaa qaarkood warka (kale) waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebe wuuna koryeelay qarkood darajooyin. waxaana siinay Ciise Binu Maryama xujooyin, Waxaana ku xoo jinay ruuxdii dahirka ahayd Malaku Jibriil. haduu Ebe doono ismalaayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib. laakiin way is khilaafeen waxaa ka Midah mid rumeeyay (xaqa) waxaana kamidah mid ka gallobay. haduu Ebe doonana isma laayeen. laakiin Eebe wuxuu falaa wuxuu doono.
2|254|kuwa (xaqa) rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor Imaatin maalin (Qiyaamada) oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah.
2|255|Eebe Ilaahaan isada ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, Khalqigana maamula. Ma qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka, waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn.
2|256|Igraah (Qasab) ma aha Diinta galideedu, Hanuunkii (limaanku) waa ka cadaaday (soocanyahay) Baadida (Gaalnimada) ruuxiise diida Dhaaquut (shayaadiinta iyo xuma fare wixii ah) oo Tumeeya Eebe wuxuu qabsaday xadhig (guntay) sugan oo adag (Islaamka) oon go'ayn, Eebana waa maqle og.
2|257|Eeba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey xaqa, wuxuuna ka bixiyaa mugdiga (Gaalnimada) una bixiyaa Nuurka (iimaanka), kuwa Gaaloobayna gargaarahoodu waa Dhaaquut (Xumaan fare) wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa Mugdiga (Gaalnimada) kuwaasina waa ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
2|258|ka warran (warkiisu nia ku soogaadhay) kit kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyey xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyey (oo aamusay) kii gaaloobay, Eebana ma hanunniyo Qoom daalimiin ah.
2|259|ka warran kii maray magaalo iyadoo la duntay darbigeedii (oo cidla ah) markaas yidhi sidee Eebe u nooleyn midan dhimasho (kharaah) kadib markaasaa Eebe dilay Boqol Sano (qadarkeed) markaasuu soo bixiyey wuxunna ku yidhi imisaad nagaatay adigoo mayd ah, uuna yidhi waxaan nagaaday maalin ama maalin qaarkecd, uu kuna yidhi (Eebe) waxaad nagaatay Boqol sano: ee day Cuntadaada iyo Cabidaada, oon doorsoomin, day Dameerkaaga waxaan kaaga yeeleynaa calaamo Dadka, day Lafaha sidaan u sookoryeeeleyno (u nooleyn) una huwinayno Hilib markuu u cadaaday xaalku wuxu yidhi waxaan ogahay in Eebe wax walba karo.
2|260|Xusuusio markuu yidhi Nabi Ibraahim Eebow i tusi sidaud u nooleyso wax a dhinia uuna yidhi miyaadan rumeynin (Xaqa) oo uu yidhi waan rumeeyey laakiin (waxaan doonay) inuu xasilo qalhigay^u maiktias (Eebc) yidhi qaad afar shimbirood una iil xagaaga (JarJar) kadibna yeel Buur kasta qayb ka mid ah, markaas u ycedh waykuu imaan iyagoo ordi ogoowna in Eebe adkaade Falsan yahay.
2|261|kiiwa ku bixiya Xoolahooda Jidka Eebe waxay la midyihiin Xabbad (Masago ah) oo bixisay Todobo Sabuul, Sabuul kastiina bixiyey Boqol xabbo Eebe waa u Laab laabaa (Ajirka) Cidduu doono Eebana waa Deeq badane og.
2|262|kuwa ku bixiya Xuulahoooda Jidka Eebe markaasna raacinin waxay bixiyeen Manno iyo dhib waxay ku mudan ajrigooda Eebahood agtiisa, Cabsina korkooda ma ahaato, mana murugoon.
2|263|hadal wanaagsan iyu dhaafid (Saamaxaad) yaa ka khayr badan Sadaqo uu raaco dhib, Eebana waa hodan dulbadan.
2|264|kuwa xaqa remeeyow ha ku burinina sadaqadiina Manno iyo dhib sida kan u bixiya xoolihiisa istusla Dadka, aan rumeynin Eebe iyo Maalinta aakhiro, wuxuuna la mid yahay sida Sallax korkiisa Carro lahay oo roob badan heley oo ma karaan kuwaasu wax ka mid ah waxay kasbadeen (ajri kamahelaan) Eebana ma hanuuniyo Qoom gaalo ah.
2|265|kuwa ku bixiya Xoolahooda doonidda raali ahaanshaha Eebe iyo yaqiinsi naftooda (Khayrka) waxay la midyihiin Beer ku taal meelsare oo heley Roob badan, oo markaas keentay Cunadeedii Labanlaab hadduusan Roob - badan helinna nu helo Roob yar (Shuux) Eebana waxaad Camalfalaysaan wuu arkaa,
2|266|ma jecelyahay midkiin inay u ahaato Beer Timir iyo Canabyo ah oy dareeri dhexdeeda Wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo Midho ah ayna hayso Da'weyni uuna leeyahay Carrur tabaryar oo markaas beertii Assibto (ku dhaedo) Dabayl daran oo dab wadata oo Gubatay Beertii Saasu Eebenidiinku eadeeyaa aayaadkiisa si ad u fikirtaan.
2|267|kuwa xaqa rumeeyow wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo bixinay Dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax kabixisaan, oo idinkuba aydaan qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebe yahay Hodan la mahdiyo,
2|268|Shaydaanku wiixuu idiin yahoohi Faqri, wuxunna idin fari xumaan, Eebana wuxuu idiinyaboohi dambi dhaaf iyo Fadl, Eebana waa waasac (Deeqdiisu) waxna og.
2|269|wiixuu siiyaa xigmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xigmona waxaa la siiyey khayr Badan, wax waantoobo oon kuwa Caqliga leh ahayna majiro.
2|270|waxaad bixisaan oo nafaqo ah (sadaqo) amaad ku nadartaan ou nadar ah Eebe waa ogyahay, daalimiina gargaare uma sugnaanin.
2|271|haddaad muujisaan Sadaqaadka waa fiicantahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada yaa idiin khayr badan, wuunu asturi Eebe xumaantiina (Dambiga) Eebana waxaad falaysaan wuu ogyahay.
2|272|korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebaase hanuuniya cidduu doono, waxaad bixinaysaan oo khay ah naftiinaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebe mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin dulmiyeyn.
2|273|(waxaa muta Sadaqadaas) fuqarada lagu koobay Jidka Eebe (Jahaadka) oon karin inay dhulka ku safraan, wuxuna u malayn kaan ogayn Hodan dhawrsanaanta, waxaadse ku garan Calaamadooda, umana waydiiyaan Dadka ku eeleelin waxaad bixisaan oo khayr ah Eebe waa ogyahay (oo ka jasayn).
2|274|kuwa bixiya Xoolahooda Habeen iyo Dharaarba qarsoodi iyo muuqaalba waxay ku mudan ajirkooda Eebalhood agtiis, Cabsina korkooda ma ahaato iyo murug midna.
2|275|kuwa Cuna Ribada kama istaagaan (Qubuurahooda) siduu u istaago mid la dhiei Shaydaan taabasjadiis mooyee, waxaana ugu waean arrintaas inay dhaheen Beecu (Gadashadu) waa sida Ribada, Wuu baneeye Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xarrimay Ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii horeeyey, amarkiisana waxaa (loo bandhigi) Eebe ruuxiise ku noqda (Ribada) kuwaasu waa asaxaabta (ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
2|276|wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka, Eebana ma jeela Gaalnimo badane Dambi badan Dhammaantiis.
2|277|kuwa rumeeyey xaqa, oo Camalfiican falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyey sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato.
2|278|kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe kana taga waxa hadhay oo Ribo ah haddaad Mu'mintihiin.
2|279|haddaydaan falin (sidaas) ogaada Dagaal Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad Toobad keentaanna waxaad leedihiin Raasamaalkii Xoolihiina, wax dulminmaysaan idiina laydin ma dulmayo.
2|280|haddii la helo isagoo caydh ah (kan wax laguleeyahay) ha la sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan (ka saamaxdaan) yaa idiin khayr badan haddaad ogtihiin.
2|281|kana dhawrsada Maalinta laydiin soo celin Eebe, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo.
2|282|kuwa xaqa rumeeyow haddaad wax kala Daynsataan tan iyo muddo magacaaban quora hana idiin kala quoro dhexdiina qof si Cadaalad ah, yunna diidin Quore inuu u qoro siduu wax u baray Eebe, ha quoro hana u yeedhiyo kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabaryare ama uusan karin inuu yeedhiyo ha u yeedhiyo Waligiisu si Caddaalad ah, maragana ka yeela Laba marag oo Rag ah, haddaan laba Nin la helinna Nin iyo Laba haweenood ka raalli thiin marag ahaan (laga yaabo) inay midi halmaanto oo tankale Xusuusiso, yeyna diidin maragu haddii loo yeedho, hana ka daalina inaad quortann wax yar iyo wax waynba tan iyo mudadiisa, saasaa ku cadaaladbadan Eebe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin, inay tahay Tijaara (Ganacsi) joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiina dhib (Dambi) ma aha inaydaan qorin, Marag u yeela haddaad wax kala Gadanaysaan, yanna la dhibin Qore iyo Marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiina, ka dhawrsada Eebe waxbuu idin bariye, Eebana wax kasta waa ogyahay.
2|283|haddaad safartihiin oydaan helin Qore rahan la qibloodo (ha badasho qoridda) haddu qaarkiin aamino qaar ha siiyo kii la aaminay amaanadiisa hana ka dhawrsado Eebihiisa barbaariyey, hana qarinina maragga ruuxii qariyana wuu dambaabi Qalbigiisu' Eebena waxaad camalfashaan waa ogyahay.
2|284|Eebaa iska leh waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, hadaad muujisaan waxa naftiina ku sugan ama qarisaan wuu idin ka xisaabin Eebe, wuuna u dhaafi cidduu doono ama Caadaabi Ciduu doono, Eebena wax kasta (oo uu doono) wuu karaa.
2|285|wuu rumeeyey Rasuulku wixii looga soo dajiyey Xaga Eebihiis, Mu'miniintuna (way rumeeyeen) dhamaana waxay rumeeyeen Eebe, Malaa'igtiisa kulubtiisa iyo Rasuuladiisa, mana kala geynayno mid ka mid ah Rasuuladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalay oon adeecnay, dhaafidaada. Eebahanow xaggaagaana loo ahaan.
2|286|kuma mashaqeeyo Eebe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay (oo xumaano) Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu xambaarin (dhibin) waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noon naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.
3|1|(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
3|2|Eebe Haah kale majiro isaga mooyee, ee Nool, ee Maamula khaliga.
3|3|Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Quraanka) si Xaq ah, isagoo u Rumcyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo Injiil (waqti).
3|4|Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka) kuwa ka Gaaloobay Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade Aarsada.
3|5|Eebana kagama Qarsoona Korkiisa waxba Dhulka iyo Samada midna.
3|6|Waana Eebaha idinku Sawira (Abuura) Riximyada (Ilmo galeenka) siduu Doono, Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro waana Adkaade Falsan.
3|7|Eebe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah Aayado sugan (Macnahoodu Cadyahay) oo ah Hooyada Quraanka (Asalkiisa) iyo kuwa kale oo isu eg, kuwa Qalbigoodu leexasho ku jirto waxay, Raacraacaan kan is shabaha (isu eg) doonid Fidmo (Xumaan) iyo doonid Ta'wiil (Leexin Fasir) darteed, wax og Fasirka (kaasna) Ma jiro Eebe iyo kuwa ku Xididaystay Cilmiga mooyee, waxayna dhihi waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebeheen agtiisa, mana waantoobo kuwa caqliga lch mooyee.
3|8|Eebow ha iilin Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib. nagana sii agtaada Naxariis, adiga unbaa bixinbadane ehc.
3|9|Eebow adaa u kulmin Dadka Maalin darteed (Qiyaamada) oon shaki lahayn, Eebana ma baajiyo Ballanka.
3|10|kuwa Gaaloobay ugama taraan Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe xagiisa waxha, kuwaasina iyaga umbaaah Shidaalka Naarla.
3|11|Waa sidii caadadii Fircoon iyo Ehelkiisii iyo kuwii ka horreeyey, waxay beeniyeen Aayaadkangii, markaasuu Qabtay Eebe Dambigooda dartiis, Eebana waa darantahay Ciqaabtiisu.
3|12|Waxaad u dhahdaa kuwii Gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo kulmin Jahannamo iyadaana u xun Gogol.
3|13|Waxaa iddinku sugan Aayad Labo Kooxood oo kulmay (Dagaalarnay) Kooxu Waxay ku Dagaalami Jidka Eebe tan kalana waa Gaal, waxyna ku arkaan Mu'miniinta laba Jibaarkood Xagga aragtida Isha, Eebana waa ku ayidaa (Xoojiyaa) Gargaarkiisa Cidduu doono arrintaasna waanaa ugu sugan Ciddii Arag leh (wax garan).
3|14|Waxaa loo qurxiyey Dadka Jacaylka waxa Naftu doonto oo ah Flaween, Wiilal iyo wax badan oo laban laaban oo Dahab iyo qalin ah, iyo Fardo laylyan oo darban, iyo Ancaamta (Xoolahanool) iyo Beeraha, arrintaasna waa raaxada Nolosha Aduun, Eebe agtiisaana noqosho wanaagsan leh.
3|15|Maydiin ka warramaa wax ka khayroon kiinaas, kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Eebahood agtiisa Jannoovin ay dareeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo Haween la Daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebe. Eebana waa arkaa Addoomada.
3|16|ee ah kuwa dhihi Eebow anagu waan rumeynay ee noo dhaaf Dambiyadanada nagana dhawr Cadaabka Naarta.
3|17|Ee ah kuwa Samra ee Runloowgaah, ee Adeeca Eebe, ee wax bixiya, ee dambi dhaaf warsada Aroortii.
3|18|Eebe wuxuu Qirayaa inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, Malaa'igtuna (way qiri) iyo kuwa Cilmiga leh, Maamulana Cadaalad, Eebe kale ma jiro isaga mooyee waana adkaade Falsan.
3|19|Diintuna (Xaqa ah) Eebe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyey Kitaabka intuu u yimid Cilmi mooyee, Xasad (Dulmi) dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka Gaalooba Aayaadka Eebe Ilaahay waa deg deg badantahay Xisaabitiisu (wuu Ciqaabi).
3|20|Hadday kula Xujaytamaan (Murmaan) waxaad dhahdaa waxaan u Flogaamiyey Wajigayga Eebe (Ani) iyo inta i raaeday, waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey Kitaabka (Ehelu Kitaabka) iyo Umiyiinta (Wax aqoon) ma Hogaansamaysaan (Hogaansama) hadday bogaansamaana way Hanuuneen, Hadday Jeedsadaanna waxaa uun ku saaran - Gaadhsiin, Eebana waa arkaa addoomada.
3|21|Kuwa ka Gaaloobi Aayaadka Eebe oo u Dila Nabiyada Xaq darro oo Dila kuwa fara Caddaaladda oo Dadka ka mid ah ugu Bishaaree Cadaab Daran.
3|22|Kuwaasi waa kuwuu buray (Hoobtay) Camalkoodu Adduun iyo Aakhiraba mana u sugnaan wax u gargaara.
3|23|Ma aragtay (ka waran) kuwii la siiyey Qayb ka mid ah Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebe inuu kala xukurno dhexdooda markaas ay jeedsan Koox ka mid ah iyagoo diidan (Xaqa).
3|24|Xaxaana ugu wacan inay dheheen ma na tabaato Naaru Maalmo mooyee, waxaa ku dhagray Diinlooda waxay been abuuran jireen.
3|25|Ee say ahaan markaanu u kulmino Maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo. (dhameeyo) Naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn.
3|26|Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta Xukunka waxaad siisaa Xukunka Ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» Xukunka Ciddaad doonto waxaadna cisaysaa Ciddaad doonto waxaadna Dulaysaa Ciddaad doonto adaana Hanta Khayrka, adaana wax kasta kara.
3|27|Waxaadna dhexgelisaa Habeenka Maalinta, dhexgelisaa Maalinta Habeenka, kana soo bixisaa wax Nool wax dhimaad ah wax Nool, waadna Arzaaqdaa Ciddaad doonto Xisaab la'aan.
3|28|Yeyna ka yeelan Mu'miniintu Gaalada Sokeeye Mu'miniinta ka Sokow ruuxii fala saas waxba Eebe kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa, xaga Eebaana loo ahaan.
3|29|Waxaad dhahdaa haddaad Qarisaan waxa Laabtiina ku sugan amaad muujisaan waa ogaan Eebe, wuxuuna ogaan waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Eebana wax kasta uu (doono) wuu karaa.
3|30|(Xusuuso) Maalinta ay heli Nafkastaa waxay Camal fashay oo Khayr ah oo la soo xaadiriyey (la keenay) waxay Camal Fashay oo Xumaan ahna waxay jeelaan in la yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa (Ciqaabtiisa) Eebana waa u Naxariistaha Adoomadiisa.
3|31|Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista.
3|32|Waxaad dhahdaa adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebe ma jeela Gaalada.
3|33|Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka.
3|34|Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid Eebana waa Maqle oge ah.
3|35|Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe.
3|36|Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ka magacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la dheereeyey).
3|37|Wuxuuna ka aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican (Xanaano) waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la'aan.
3|38|Halkaasuu baryey Zakariye Eebihiis, yidhina Eebow iga sii agtaada Farac wanaagsan adaa Maqla (ajiiba) Ducadee.
3|39|Waxaana u dhawaaqday Malaa'igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa wanaagsan.
3|40|Wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan Wiil Anooy isoo gaadhay Duqnimo, Haweeneydeyduna Madhalaystahay, wuxuu yidhi saasuu ku falaa Eebe wuxuu doono.
3|41|Wuxuu yidhi Eebow ii yeel Calaamo wuxuuna yidhi Calaamaddu waa inaadan la hadlin Dadka Saddex Maal mood ishaaro Mooyee, Xusna Eebahaa wax badan una Tasbiixso Galabatii iyo A roortiiba.
3|42|(Xusuuso) markay tidhi Malaa'igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka.
3|43|Maryamooy adeec (u khushuue) Eebahaa sujuudna Rukuuena (la tuko) kuwa rukuuea (Tukada).
3|44|Taasi waa warka waxa Maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey tuurayeen Qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey murmayeen.
3|45|(Xusuuso) markey tidhi Malaa'igtu Maryamooy Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Kalimo Xaggiisa ah (Wiil) Magaeiisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh Adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey.
3|46|Kulana hadli Dadka Dharabta iyo isagoo (Gadhmadoobe) nin wayn ah kana mid ah kuwa Suuban.
3|47|Waxay tidhi (Maryam) Eebow sidee Ilmo iigu ahaan isagoon i taaban Dad (Nin wuxuu yidhi (Eebe) saasuu Eebe wax u abuuraa wuxun doono, markuu xukmin amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa.
3|48|Wuxuuna (Eebe) bari Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil.
3|49|Waa Rasuulka Bani Isra'iil, (isagoo) u dhihi waxaan idiin la imid Aayad xaga Eebihiin ka ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon shimbir Idamka Eebe, waxaana bogsiiyaa indhala'aan kudhashe Baraslaha, waxaana nooleeyaa Maydka Idamka Eebe, waxaana idiin ka warrami waxaad Cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan Guryihiinna, taasira waxay idiin tahay Calamad haddaad rumeynaysaan (Xaqa).
3|50|Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah, waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay Qaarkiis, waxaana idiin la imid Calaamad xagga Eebihiin ka ahaatay, ee ka dhawrsada Eebe, ina adeeca.
3|51|Ilaah waa Eebahay iyo Eebihiin ee Caabuda, taasaana ah Jidka toosane.
3|52|Markuu ka kasay Ciise Xaggooda Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah gargaaraha Eebe (Diintiisa) waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.
3|53|Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raaenay Rasuulka ee nagu qor (nagadhig) la jirka markhaatiyada. (Umadda Nabi Muxamad).
3|54|Way dhakreen, Eebana wuu ka abaalmariyey Eebana u wanaagsan wax abaal mariya.
3|55|Xusuuso markuu ku yidhi Eebe Ciisow waan ku oofsan waana ku koryeeli, waana kaa dahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca (xaqa dhabta ah raaca) korka kuwa Gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin kala Xukumi dhexdiina waxaad isku khilaafsanaydeen.
3|56|Kuwa Gaaloobase waxaan Cadaabi, cadaab daran Adduun iyo Aakhiraba, mana helaan gargaare.
3|57|kuwa (Xaqa) rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin (dhammayn Eebe) ajirkooda, Eebana ma jeela daalimiinta.
3|58|kaasaan ku akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus (Quraan) xigmo leh.
3|59|Tusaalaha Ciise Eebe agtiisa waa sida (Nabi) aadam, Eebaa ka Abuuray Carro markaasuu u yidhi ahow wuuna ahaan.
3|60|Xaqu Eebahaa nuu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya.
3|61|ee ruuxii kugula dooda intuu kuu yimid Cilmi ka dib waxaad dhahdaa kaalaya aan u yeedhno Caruurtannada iyo Caruurtiinna iyo Naftanaada iyo Naftiinna markaas aan baryootanno oon laeanadda Eebe kor yeello Beenaalayaasha.
3|62|Kaas (Quraanka) unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro, Eebana waa adkaade falsan.
3|63|Hadday jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya.
3|64|Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay.
3|65|Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn.
3|66|Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin.
3|67|Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada).
3|68|Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta.
3|69|Waxay jeelaatay koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan Naftooda ahayn, mana kasayaan.
3|70|Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og xaqnimadeeda).
3|71|Ehelu Kitaabow maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa idinkoo og.
3|72|Waxay dhaheen koox ka mid ah Ehelu Kitaabka rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa (Xaqa) rumeeyey (Quraanka) Maalinta horteeda kana gaalooba maalinta gadaasheeda waxay u dhawyihiin Mu'miniintu inay noqdaane (Gaaloobaan).
3|73|Hana aaminina (rumeynina) ruuxaan Diintiinna raacin, waxaad dhahdaa Hanuun waa hanuunka Eebe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula doodaan Eebihiin agtiisa, waxaad dhahdaa Fadligu gacanta Eebe yuu ku suganyahay wuxuuna siiyaa Cidduu doono, Eebana waa waasae (deeq badane) og.
3|74|Wuxuuna ku gaaryeelaa Naxariistiisa cidduu doono, Eebana iska leh Fadliga Wayn.
3|75|Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah Ruux Haddaad ku Aaminto Xoolo badan ku siin (Nasaarada Qaarkeed) waxaana ka mid ah mid haddaad ku Aaminto Diinaar aan ku siinaynin, inaad kor taagnaato mooyey (waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah) waxaana ugu wacan Arrintaas inay dhaheeh naguma laha Umiyiintu Jid, waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og.
3|76|Saas ma aha ee ruuxii oofiya Ballankiisa oo Dhawrsada Eebe waa Jecelyahay Dhawrsadayaasha.
3|77|Kuwa ku Gata Ballankii Eebe iyo Dhaartoodii Lacag (Qiimo) yar kuwaasu Nasiib kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebe (si Naxariis ah) mana dayo Xaggooda Maalinta Qiyaame, mana Daahiriyo, waxayna mudan Cadaab daran.
3|78|Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) Kox ku Leexisa Carraabkooda Kitaabka (Quraanka) si aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka waxayna odhan Isagu wuxuu ka ahaaday Eebe agtiisa kamana ahaanin Eebe agtiisa. waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og.
3|79|Kuma haboona Dad in Eebe siiyo Kitaab, Xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha Dadka Addoomo ii noqda Eebe ka sokow, hasayeeshee noqdo Cumino (Dabeeco fiican) Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo waxaad baranaysaan.
3|80|Idinmana farayo Eebe inaad ka yeelataan Malaa'igta iyo Nabiyada Eebayaal, ma wuxuu idin fari Gaalnimo intaad Muslim noqoteen ka dib.
3|81|(Xusuuso) markuu ka qaaday Eebe Ballan adag Nabiyada waxaan idinsiiyo oo Kitaab iyo Xigmo ah markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysatan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna yidhi (Eebe) Ma qirteen oo ma qaadeen Arrintaas Ballankeyga ah oo dheheen waan qirnay (ogolaanay) markaas ku yidhi Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici.
3|82|Ruuxiise jeedsada intaas ka dib kuwaasi waa kuwo Faasiqiin ah.
3|83|Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yey rabaan isagoo u hogaansamay waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan ogolaan iyo ikraahba Xaggiisaana loo Celin (Dadka).
3|84|Waxaad dhahdaa waxaan rumaynay Eebe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyey (Nabi) Ibraahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub, Faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo Nabiyadii Xagga Eebahood kala bixin mayno dhexdooda Anaguna Eehaan u hogaansameynaa.
3|85|Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray.
3|86|Sidee u Hanuunin Eebe Qoom Gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in Rasuulku Xaq yahay una Yimaadeen Xujooyin, Eebana ma hanuuniyo Qoom Daalimiin ah.
3|87|Kuwaas abaalkoodu waa Lacnad Eeboo korkooda ah iyo Malaa'igta iyo Dadka Dhammaantiis.
3|88|Wayna ku waari (Ciqaatbtooda) dhexdeeda lagamana fududeeyo Cadaabka lamana Sugo.
3|89|Kuwa Toobad keena intaas ka dib mooyee oo wanaajiya Eebana waa dambi dhaafe Naxariista.
3|90|Kuwa Gaalooba rumayn ka dib, markaas kororsada Gaalnimo lagama aqbalo Toobadooba kuwaasina waa kuwa Dhumay.
3|91|Kuwii Gaaloobay oo dhintay iya goo Gaalo ah lagama aqbalo mid ka mid ah Dhulka Muggii oo Dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday Cadaab daran wax u gargaarana ma leh.
3|92|Ma gaadhaan sama fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeeeshihiin, waxaad bixisaana Eebe waa ogyahay.
3|93|Cuntada dhamaanteed xalaal bay u ahayd Banii-israa'iil wuxuu ka reebay Israa'iil Naftiisa mooyee, soo degidii Tawreed ka hor waxaad dhahdaa keena Tawreed oo Akhriya haddaad runlow tihiin.
3|94|Ruuxii ku been abuurta Eebe korkiisa intaas ka dib kuwaasu waa uun Daalimmin.
3|95|Waxaad dhahdaa Runbuu sheegay Eebe, ee raaca Milladda Ibraahiim (Jidkiisii) isagoo toosan, kamana mid ahayn Mushrikiinta.
3|96|Guriga ugu horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan Maka (Kachada) waana barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka.
3|97|Waxaa ku sugan Aayaad Cad Cad Maqqaamu Ibraahiimna (waa ku yaal) Ruuxii galana wuxuu ahaan Aamin, Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada, Ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay Caalamka.
3|98|Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayaadka Eebe, isagoo Eebana Marag u yahay waxaad Camal falaysaan.
3|99|Ehelu Kitabow maxaad uga Celinaysaan Dadka Eebe Ruuxii Rumeyn idinkoo la dooni (Xaqa) Qallooc idinkoo marag ah Eebana ma halmaansana waxaad Falaysaan.
3|100|Kuwa (Xaqa) rumeeyow Haddaad Adeecdaan (Maqashaan) Koox ka mid ah kuwa la Siiyey Kitabka (yuhuud iyo Nasaara) waxay idiin Celin Iimaankiinna ka dih Gaalnimo.
3|101|Seed u Gaaloobaysaan idinkoo laydinku kor Akhrin Aayaadka Eebe Dhexdiinnana Joogo Rasuulkiisii, ruuxii Cuskada Eebe (oo ka dhawrsada) waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan.
3|102|Kuwa (Xaqa) rumeeyow ka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa Xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
3|103|Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebe ee korkiinna ah, markaad Col ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood Noqoteen Niemada Eebe darteed Walaalo, idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oos idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan.
3|104|Ha laydinka helo Umad u yeedha Khayrka oo fari Wanaagga oo ka reebta waxa la Naco (Xumaanta) kuwaasina waa uun kuwa Liibaanay.
3|105|Hana noqonina kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen Xujooyin ka dib kuwaasina waa kuwa Cadaab weyn u Sugnaaday.
3|106|Maalintay Caddaan (Nuuri) Wajiyaal oyna Madoobaan (Doorsoomi) Wajiyaal, kuway Madoobaato Wajiyadoodu (Waxaa lagu dhihi) miyaad Gaaloowdeen Rumeyntiinii ka dib, Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinii darteed.
3|107|Kuwuu Caddaado (Nuuro) Wajigoodu Naxariista Eebe Dhexdeeday ku waarayaan.
3|108|Taasi waa Aayadkii Eebe oon ugu Akhriyeynaa korkaaga si Xaq ah, Eebana ma aha mid la doona Dulmi Caalamka.
3|109|Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku Sugan, Xaggiisaana loo Celiyaa Umuuraha.
3|110|Waxaad tihiin Ummadda u Khayroon ee loo soo bixiyey Dadka, waxaad fartaan Wannaagga waxaadna ka reebtaan Xumaanta waxaadna ru meysaan Eebe, hadday rumeeyaan Ehelu Kitaabka (Xaqa) Saasaa u khayrroonaanlahayad, waxaa ka mid ah Mu'miniin, badankoodna waa Faasiqiin.
3|111|Idin wax yeellayn mahayaan wax dhibah mooyee, hadday idin la dagaallamaana waxay idiin jeedin Dabada (way carari) loona Gargaari Maayo.
3|112|Waxaana lagu qadaray Korkooda Dulli meel kastooy joogaanba, Xadhig Eebe iyo Xadhig Dad mooyee, waxayna la noqdaan Cadho Eebe, waxaana lagu qadaray Miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan Aayaadka Eebe Dilayaanna Nabiyada Xaq daro, waxaana ugu wacan Caasinimadooda iyo Xadgudubkooda.
3|113|Isku mid ma aha, Ehelu Kitaabka waxaa ma mid ah Ummad u Taagan (Xaqa) oo Akhrida Aayaadka Eebe Saacadaha Habeenka iyagoo Sujuudsan, (waa Cadbullaahi Binu Salaamo iyo Saaziibadiis).
3|114|Rumeynna Eebe iyo Maalinta Dambe farana Wanaagga kana reeba waxa la naco (Xun) una dag dagi Wanaagga, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa suuban.
3|115|Waxay Falaan oo Khayr ah laga ma qariyo (Dayaeo), Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada.
3|116|Kuwa Gaaloobay kama kaafido Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe Xaggiisa waxba, kuwaasuna waa Ehelka Naarta wayna ku Dhex waari.
3|117|Waxay Bixiyaan Noloshan Adduunna waxay la mid tahay Dabayl Qabow (daran) oo ku dhaeday Beer Qoom dulmiyey Naftooda ooy Halaagtay, ma dulmiyin Eebe iyagaase Naftooda Dulmiyey.
3|118|Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha ka yeelanina Saaxiib (Hoose) wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan Fasaadintiinna waxayna Jecelyihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa Cadhadu Afkooda, waxay qarsan Laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin Caddaynay Aayaadka haddaad wax kasaysaan.
3|119|Idinkani waad Jeceshihiin Iyaguna idinma jeela, waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay dhahaan waannu rumeynay Hadday kaliyoobaanna waxay idiin Qaaniinaan Xubnaha (Faraha) Cadho darteed, waxaad dhahdaa ku dhinta Cadhadiinna, Eebana waa ogyahay waxa Laabta ku sugan.
3|120|hadday idin taabato Wanaag way Xumeysaa hadday idinku dhaedo Xumaanna way ku Farxaan, haddaad Samirtaan ood Dhawrsataan idinkama dhibayso Dhagartoodu waxba, Echana waxay Camal fali wuu Koobay.
3|121|(Xusuuso) markaad ka Kallahday (tagtay) Ehelkaaga adoo u yeeli Mu'miniinta Goob Dagaal Eebana waa Maqle og.
3|122|Markay Hamiday «Doontay» Labo Kooxood oo idinka mid ah inay Fashilaan (Cabsadaan) Eebana Waligooda (Gargaarahooda) ahaa ee Eebe uun ha tala saarteen Mu'miniintu.
3|123|Dhab ahaan buu idiin ku Gargaaray Eebe (Maalintii) Badar idinkoo dulaysan «Tabar yar», ee ka Dhawrsada Eebe waxaadna mudantihiin inaad ku Mahdisaan.
3|124|Markaad ku lahayd Mu'miniinta Miyuusan idiinku Fillayn inuu idinku Xoojiyo Eebihiin Saddex Kun oo Malaa'ig ah oo soo Degi.
3|125|Waa na kaafiyaan ee haddaad Samirtaan (Adkeysataan) ood dhawrsataan (waydinku fillaan) waxayna idiinku imaan deg daggooda, kaasna waa Xoojin Eebihiin Shan Kun oo Malaa'ing ah oo Calaamaysan.
3|126|Uma yeelin Eebe (Arrintaas) Bishaaradiinna mooyee iyo inay ku Xasisho Quluubtiinnu isaga, Gargaar aan Eebe agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan.
3|127|Si uu u Gooyo (Halaago) qayb ka mid ah kuwa Gaaloobay ama Walbahaariyo oy Noqdaan iyagoo Khasaaray.
3|128|Waxba Amarka kuma lihid Nabiyow ama wuu ka Toobad aqbali Eebe ama wuu Cadaabi Gaalada, illeen waa Daalimiine.
3|129|Eebaa aska leh waxa Samooyinka ku sugan iyo waxa Dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa (Dambiga) Ciduu doono, wuxuuna Cadaabaa Ciduu doono, Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista.
3|130|Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha u Cunina Ribada Laablaab, kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane.
3|131|Kana dhawrsada Naarta loo Darbay Gaalada.
3|132|Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad u dhawdihiin in laydiin Naxariistee.
3|133|Una deg daga Dambi dhaafka Eebihiin iyo Janno Ballaadhkeedu yahay Samaawaadka iyo Dhulka oo loo darbay kuwa dhawrsada.
3|134|Ee ah kuwa wax bixiya Waqtiga Ladnaanta iyo Dhibkaba, ee Damiya Cadhada ee iska Cafiya Dadka, Eebana waa Jeelyahay Samadalayaasha.
3|135|Kuwa markay falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Eebe, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebe mooyee, oon daa'imin (Xumaantay) faleen iyagoona og.
3|136|Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi dhaafka Eebahood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay.
3|137|Waxaa dhab ahaan u tagay Hortood Sunno (Waddo) ee Socda Dhulka oo eega siday noqotay Cidhibtii Beeniyayaashii.
3|138|Kaasi waa Caddayn Dadka waana Hanuun iyo Waanada kuwa dhawrsada.
3|139|Ha tabar yaraanina hana Murugoonina idinkaa Sareyn haddaad Tihiin Mu'miniine.
3|140|Hadduu idin taabtay Dhib (Dhaawac) Dhabahaan buu u taabtay Woomkana Dhib la mid ah, waana Saas Adduunyadu waxaanuu ku kala wareejinaa Dadka Dhexdiisa iyo in Eebe Muujiyo kuwa rumeeyey kana yeesho Xaggiinna Marag, Eebana ma jeela Daalimiinta.
3|141|Iyo inuu Imtixaamo kuwa rumeeyey Tirtirana Gaalada.
3|142|Ma waxaad u Maleyseen inaad Galayssaan Jannada isagoon Muujinin Eebe kuwa Jahaaday oo idinka mid ah oosan Muujinin kuwa Samra.
3|143|Dhab ahaan waxxad u ahaydeen kuwa jecel Geerida ka hor la kulankeeda, waadna aragteen Geeridii idinkoo Fiirin.
3|144|«Nabi» Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa Tagey hortiis Rasuullo, cc hadduu Dhinto ama La dilo ma waxaad u gaddoomaysaan Cidhibtiinii (Dib), Ruuxii U gadooma Cidhibtiisii (Gaalooba) kama Dhibo Eebe waxba, wuuna Abaal marin kuwa ku Shukriya.
3|145|Nafna ma aha tii Dhimata Idanka Eebe la'aantiis waa Kitaab Muddeysan, Ruuxii Doona Abaalka Adduunyo waxbaan ka siineynaa, ruuxii doona Abaalka Aakhirana Waxbaan Ka Siinaa, Waxaana Abaal marin kuwa Shukriya.
3|146|Imisa Nabi la Dilay ooy la Jireen culimo Dagaallami oo Badan, oyna Cabsanin wax ku Dhacay Jidka Eebe Dartiis, Tabarna yareynin, Dulloobinna, Eebana waa jecelyahay kuwa Samra.
3|147|Mana aha Hadalkoodu waxaan ahayn Eebow nooDhhaf Dambigannaga iyo Xadgudubkanaga Amarkanaga, Sugna Gornadahanaga noogana Gargaar Qoomka Gaalada ah.
3|148|Markaasuu Siiyey Eebe Abaalka Adduunyo iyo Wanaagga Abaalka Aakhiro, Eebana wuxuu Jecelyahay Samafalayaasha.
3|149|Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad Addeeedaan (Maqashaan) Kuwa Gaaloobay waxay idiin Celin Cidhibtiina, markaasaad Noqonaysaan idinkoo khasaaray.
3|150|Eebaase Gargaarihiinna ah, isagaana ugu Khayrroon Gargaare.
3|151|Waxaan ku Tuuraynaa Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax la Wadaajintooda Eebe waxaan loo soo Dejinin Xujo Darteed, Hoygooduna waa Naar, lyadaana U xun Xerada Daalimiinta.
3|152|Dhab ahaan yuu idiinku Rumeeyey Eebe Yaboohiisii markaad ku Dhamayneyseen (Ku dilayseen) Idamkiisa, intaad ka Cabsataan ood ku Murantaan Amarka ood Caasidaan intuu idin Tusiyey waxaad Jeceshihiin ka Dib, waxaa idinka Mid ah Ruux Dooni Adduunyo, waxaana idinka mid ah Ruux dooni Aakhiro, markaas idinka Tilay Xagooda si uu idiin Imtixaano, dhab ahaanna wuu idiin Cafiyey, Eebena wuu ku Fadli leeyahay Mu'miniinta.
3|153|Markaad koreyseen aydaan Milicsanayn Cidna, Rasuulkuna idiinka Yeedhi Gadaashiina oo idinku dhacay Murug la jirto Murug (kale) si aydaan ugu Walbahaarin wixii idin ka tagay iyo wixii idinku Dhacay, Eebana waa ogyahay waxaad Falaysaan.
3|154|Markaas uu ku soo Dejiyey Korkiinna Murug ka dib Aaminnimo Darteed Lulmo daboolaysa Koox idinka mid ah, Kooxna waxaa Walaacisay Naftooda waxayna u Malayn Eebe Male Jaahiliyeed waxayna Dhihi ma waxbaan ku leenahay Amarka, waxaad dhahdaa Amarka Dhamaantiis Eebaa iska lch, waxayna ku Qarin Naftooda waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi haddaan Amarka wax ku leenahay Nalaguma Dileen Halkan, waxaad Dhahdaa haddaad tihiin Guryihiinna way u soo bixilahaayeen kuwa loo Qoray Geerida halkay Seexan (Lagu Dili), (saasna wuxuu u Falay Eebe) inuu Imtixaano Eebe waxa Laabtiinna ku Sugan iyo inuu kala Shaandheeyo waxa Quluubtiinna ku Sugan, Eebana waa Ogyahay waxa Laabta Ku Sugan.
3|155|Kuwii Jeedsaday oo idinka mid ah Maalintay Kulmeen Labadii Col waxaa uun Simbiriirixiyey Shaydaan waxay kasbadeen Sababtiisa Qaarkood wuuna iska Cafiyey Eebe Xagooda Eebena waa Dambi Dhaafe dulbadan.
3|156|Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Noqonina sida kuwa Gaaloobay oo ku yidhi Walaalahood markay ku Safraan Dhulka ama Duulaan hadday Agtanda Joogaan ma dhinteen Lamana Dileen si uu uga yeelo Arrintaas Qoomamo Quluubtooda, Eebana waa Nooleeye iyo Dile, Eebana waxaad Camal Falaysaan wuu arkaa.
3|157|Haddii laydinku Dilo Jidka Eebe amaad Dhimataan Dambi Dhaaf Eebe iyo Naxariistiisa yaa idiinka Khayrbadan waxay Kulmin.
3|158|Haddaad Dhimataan ama laydin Dilo Xagga Eebe umbaa laydiin Celin.
3|159|Naxariista Eebe Darteed yaad ugu Jilicday haddaadse tahay Mid Ingagan oo Qalbi Adag way kaakala tagi lahaayeen Gaararkaada, ee iska Cafi una Dambi Dhaaf warso kalana Tasho Amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebe (K u Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay kuwa Tala Saartee.
3|160|Hadduu idin Gargaaro Eebe wax idiinka Adkaan ma jiro Hadduu idin Hoojiyana waa Kuma kan idiin Gar- gaari Gadaashiis, Eebe uun ha Tala Saarteen Mu'miniintu.
3|161|Kama suurowdo Nabi inuu wax Khayaamo, Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta Qiyaame, markaas waxaa loo Oofin (Dhamayn) Nafkasta waxay Kashatay Lagamana dulmiyo.
3|162|Ruux Raacay Raalli ahaanshaha Eebe ma la mid Baa Ruux la noqday Cadho Eebe Hoygiisuna yahay Jahannamo iyadaana U xun meel loo Noqdo.
3|163|Iyagu waa Darajaad Eebe agtiisa, Eebana waa Arkaa waxay Fali.
3|164|Dhab abaanbuu ugu Manaystay Eebe Mu'miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barina Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad.
3|165|Hadday idin Adiibtay (idinku Dhaeday) Dhibaato waxaad Asiibteen Laba Jibaarkeed (Badar) waxaad dhahdeen xaggee Nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa Agta Naftiinna, Eebana wax kasta wuu karaa.
3|166|Waxa idinku dhacay Maalintay kulmeen Labadii Kooxood waa idamka Eebe iyo inuu Muujiyo Mu'miniinta.
3|167|Iyo inuu Muujiyo kuwa Munaafaqoobay, oo loo yidhi Kaalaya ku Dirira Jidka Eebe ama Difaaca, waxayna dheheen Haddaan ognahay Dagaal waan idin raaci lahayn, iyagu Gaalnimaday Maalintaas uga Dhawyihiin Rumeyn, waxay ka odhan Afkooda waxaan ahayn Quluubtooda, Eebana waa ogyahay waxay Qarin.
3|168|waa kuwa ku yidhi Walaalahood (Munaafiqiintu) iyagoo iska fadhiistay Hadday na Adeecaan lama Dilcen, waxaad dhahdaa ka Dhawra Naftiinna Geeri Haddaad Run sheegaysaan.
3|169|Hana u Malaynina kuwa Lagu Dilay Jidka Eebe kuwa dhintay, Saas ma aha waxay ku Noolyihiin Eebahood Agtiisa Laguna Arzaaqi.
3|170|Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebe oo Fadligiisa ah, kuna Bishaaraysan kuwaan wali Haleelin ee Gadaashooda ah inuusan Korkoda Cabsi iyo Murugo midna «ahyn».
3|171|Waxayna ku Bishaaraystaan Nicmo Eebe iyo Fadli iyo inaan Eebe Dayacayn ajriga Mu'miniinta.
3|172|Ee ah kuwa Ajiibay (Maqlay) Eebe iyo Rasuulka ka Dib intuu Asiibay Dhaawac kuwa Wanaag Falay oo ka mid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday Ajir wayn.
3|173|Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey Rumeyn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil.
3|174|Oo Noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan Raacayna Raalli ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade.
3|175|Kaasi waa Shaydaan wuxuuna idinku Cabsi Galin Awliyadiisa (Saaxiibadiis) ee ha Cabsanina, ee iga Cabsada Haddaad Mu'miniin tihiin.
3|176|Yeyna ku murug galin kuwa u Deg degi Gaalnimada iyagu kama Dhibaan Eebe waxba, wuxuu Dooni Eebe inuusan ugu yeelin Nasiib Aakhiree waxayna Mudan Cadaab Weyn.
3|177|Kuwa ku Gatay Gaalnimo Iimaanka kama Dhibayaan Eebe waxba waxayna Mudan Cadaab Daran.
3|178|Yeyna u Malaynin kuwa Gaaloobay inuu Sugidoodu Khayr u tahay, waxaannu u Sugi uun inay Siyaadsadaan Dambi, waxayna mudan Cadaab Dulleeya.
3|179|Ma aha Eebe kii kaga Taga Mu'miniinta Sidaad tihiin intuu ka kala Sooco ka Xun iyo kan Fiican, mana aha Eebe kii idin Daaliciya (Tusiya) waxa Maqan, hase yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa Ciddduu Doono ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa, Haddaad Rumeysaan Xaqa oo Dhawrsataan waxaad Mudanaysaan Ajir Weyn.
3|180|Yeyna u malaynin kuwa ku Bakhayli wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah inay Khayr u Tahay, Sharbayse u Tahay waxaana Luqunta loo Galin waxay ku Bakhaylayeen Maalinta Qiyaame, Eebaana iska leh Dhaxalka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waxaad Camal Falaysaan waa Ogyahay.
3|181|Dhab ahaan yuu u Maqlay Eebe Hadalka Kuwii Yidhi Eebe waa Faqiir Anaguna waxaan nahay Hodan (waa Yuhuuh ha halaagmeene) waan Qoraynaa waxay dhihi iyo Diliddooda Nabiyada ee Xaq daro waxaan u dhahaynaa dhadhamiya Cadaabka Gubashada,
3|182|Taasina waa waxay hormarsatay Gacmahoodu Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada.
3|183|Waa kuwa Yidhi Eebe wuxuu nagula Ballantamay Inaanaan Rumeyn Rasuul intuu Nooga keeno Qurbaan (Sadaqo) oy Cunto Naar, waxaad dhahdaa waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay Xujooyin iyo waxaad sheegteen ee Maxaad u Disheen haddaad run sheegaysaaan.
3|184|Hadday ku Beeniyaan waxaa dhab ahaan loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey oo la yimid Xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab Cad.
3|185|Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruusiise laga iilo Narta oo la galiyo Janada wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn.
3|186|Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna iyo Naftiinna waxaadna ka Maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horeeyey iyo Mushrikiinta (Gaaladii Carbeed) dhib Badan haddaadse Samirtaan ood dhawrsataan Arrintaasu waa Umuuraha loo Qasdo.
3|187|(Xusuuso) markuu Qaaday Eebe Ballanka kuwii la siiyey Kitaabka inaad u Cadaysaan (Xaqa) Dadka Oydaan Qarinin waxayse ka Tuureen Dhabarkooda Gadaashiis waxayna ku gateen Lacag Yar waxaa Xun waxay Gadan.
3|188|Haw Maleyn kuwa ku Farxa waxay la yimaadaan oo Jecel in lagu Mahdiyo waxayna Falin Haw malayn inay ka Nabadgali Cadaabka waxaana u Sugnaaday Cadaab Daran.
3|189|Eebaa iska leh Xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebaana wax kasta kara.
3|190|Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Cawliga leh.
3|191|Ee ah kuwa ku Xusa Eebe Taagni iyo Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo dhihi) Eebow Umaadan Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay Ee naga kori Cadaabka Naarta.
3|192|Eebow adigu ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin Gargaarayaal.
3|193|Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican).
3|194|Eebahanow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane.
3|195|Wuxuu ku Ajiibay Eebahood Anagu Ma dayacno Camal Mid Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal waana Abaal marin Eebe Xagiisa ah, Eebe agtiisaana Abaalmarin Wanaagsan tahay.
3|196|Yeyna ku Dhagrin ka Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka).
3|197|Waa Raaxo Yar kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol.
3|198|Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Eebahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khary roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan).
3|199|Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Eebe iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuei Eebe kumana Gataan aayaadka Eebe Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajirgooda Eebahood Agtiis, Eebana waa Deg degtaa Xisaabtiisu.
3|200|Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo Samirtarna kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane.
4|1|Dadow ka Dhawrsada Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye.
4|2|Siiya Agoonta xoolahooda hana ku Badalina Xumaan Wanaag, hana Cunina xoolahooda La jirka Xoolihiinna Taasina waa Dambi weyn.
4|3|Haddaad ka Cabsataan inaydaan ku Cadaalad Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin Mid kaliya (Guursada) ama waxay Hanatay Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalinc.
4|4|Siiya Haweenka Meherkooda isagoo Waajib ah hadday idiinka Raali noqoto wax ka mid ah Naftoodu Cuna idinkoo Shifaysan oo Kadban.
4|5|Ha Siinina Sufahada (Maamuli karin) Xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebe Ilaaliye ka Quudiya kana Arradbixiya una Dhaha Hadal Fiican.
4|6|Imtixaamana Agoonta markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa, waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye.
4|7|Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu Haweenkana waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka Tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu
4|8|Hadday Joogaan Qaybta Qaraabo, Agoon iyo Masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka Siiya una dhaha Hadal Wanaagsan.
4|9|Hana ka Cabsadeen kuwa Hadday kaga Tagaan Gadaashooda Caruur Tabar Yar una Cabsan lahaa hana ka Dhawrsadeen Ecbe hana Dheheen Hadal Toosan.
4|10|Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali Saciiro.
4|11|Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (I.ix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood Mcel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan.
4|12|Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn, haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay dardaarmeen iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen Haddaydaan Ilmo lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed Meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli Waalid iyo Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid kasta wuxuu Mudan Sudus (Hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.
4|13|Taasi wa Xuduud Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn.
4|14|Ruuxiise Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax Dulleeya.
4|15|Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha intay ka Disho Geeridu ama u yeelo Eebe Waddo.
4|16|Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba Hadayse Toobadkeenaan ooy Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa Toobad aqbale Naxariista.
4|17|Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe korkooda, Eebana waa Oge Falsan.
4|18|Uma aha Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u Darabnay Cadaab Daran.
4|19|Kuwa (Xaqa) Rumeeyow idiinma Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar waxaad Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican, haddaad Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa Khayr Badan.
4|20|Haddaad Doontaan inaad ku Baddashaan Haweenay mid kale idinkoo Siiyey Meher (Badan) ha ka Qaadanina Xaggiisa waxba, Ma waxaad Qaadanaysaan Been iyo Dambi Cad.
4|21|Seed uga Qaadanaysaan idinkoo Qaarkiin Qaar Arkay, ood kana Qaaddeen Ballan Adag.
4|22|Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun.
4|23|Waxaa laydinka Reebay Hooyooyinkiin (inaad Guursataan) iyo Gabdhihiinna, Walaalihiin, Eedooyinkiin, Habaryarihiin, Gabdhaha Walaalkaa, Gahdhaha walaashaa, Hooyooyinka idin Nuujiyey Walaalaha Nuugmada Hooyooyinka Haweenkiinna, Gabdhaad Dhaqaalaysaan., ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen, Haddaydaan is arkin wax dhib ah (Danbi) ma saara korkiinna, Haweenka Wiilashiinna Dhabta ah, iyo inaad kulmisaan Labo Walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebana waa u Dhaafe Naxariista.
4|24|(Waxaa Kaloo idinka reeban) Haweenka la Qabo, waxay Hantaan Gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebaa korkiinna ah, waxaa laydiin banneeyey waxa ka Soohadhay kuwaas inaad ku dalablaan Xoolahiinna idinkoo dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Falin, waxaad ku intifaacdaan Xaggooda Siiya Meherkooda waa Qadaraad Eebe, Dhib (Dambi) korkiinna ma Saarra waxaad isaga raalli Noqoteen Qadarrida ka Dib, Eebana waa Oge Falsan.
4|25|Ruuxaan Karin oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
4|26|Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo Wadadii kuwii idinka Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan.
4|27|Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.
4|28|Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar.
4|29|Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee.
4|30|Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay.
4|31|Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka Reebeynno waxaannu ka asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel Fiican (Sharaf leh).
4|32|Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar, Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay.
4|33|Cid kasta waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen Labada waalid iyo Qaraabadu iyo kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag.
4|34|Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed, (Haweenka) Wanaagsan way Adeecaan Haaliyaanna Maqnaas- ho ilaalinta Eebe Darteed, kuwaadse ka Cabsataan Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadday idin Adeecaanna ha u dalbina Korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebana waa Sare Wayn.
4|35|Haddaad ka Cabsataan Iskhilaafka Dhexdooda u bixiya Xaq soore Ehelkiisa ah iyo Xaq soore Ehelkeeda ah, hadday doonaan Wanaajinna Eebe wuu iswaafajin Dhexdooda, Eebana waa Oge Xeeldheer.
4|36|Caabuda Eebe hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca, Socotada iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee Faanka badan.
4|37|Oo ah kuwa Bakhayla Farana Dadka Bakhaylnimo qarinna wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah, waxaana u darabnay Gaalada cadaab wax dulleeya.
4|38|Iyo kuwa u bixiya Xoolahooda istuska Dadka oon rumeyn Eebe iyo Maalinta Dambe, ruuxii shaydaan u noqdo Saaxiib wuu Xumaaday Saaxiibkiis.
4|39|Maxaa korkooda ah hadday Rumeeyaan Eebe iyo Maalinta Dambe oy Bixiyaan Qayb wuxuu ku Arzuqay Eebe, Ilaahayna waa Ogyahay iyaga.
4|40|Eebe ma Dulmiyo wax la eg Darro (waxyar) hadday Wanaagtahayna wuu faab laabaa wuuna ka siin Agtiisa Ajir Weyn.
4|41|ee Say ahaan Markaan ka keenno Umad kasta marag oon kuu keenno adigana (Nabiga) kuwaas korkooda Marag.
4|42|Maalintaas waxay Jeclaan kuwii Gaaloobay oo Caasiyey Rasuulka in lala Simo (Liqo) Dhulka kamana Qariyaan Eebe Hadal.
4|43|kuwa (Xaga) Rumeeyow haw dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan iyo idinkoo Junub ah inaad Jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad tihiin kuwa Buka ama Safar ah ama ka yimid Ruux idin ka mid ah kortag, ama Taabataan haweeneey aadanna helayn Biyo ku Gagabaysta Carro Wanaagsan, kuna masaxa (Mariya) Wajiyadiinna iyo Gac- mihiinna, Eebana waa Cafiye Dambi dhaafa.
4|44|Ka warran kuwa la siiyey Qayb Kitaabka ah (Tawreed) oo Gadan Baadi doonina inaad ka Dhuntaan Jidka.
4|45|Eebaa Og Colkiinna, waxaana ku filan Eebe, wuxuuna ugu filanyahay Eebe Gargaare.
4|46|Kuwii Yuhuudoobay waxay ka Leexin Kalimooyinka Meelahooda waxayna dhihi waan Maqalay oon Caasinay, Maqla ha maqlinee, waxayna (dhihi) na ilaali iilid Carrabkooda iyo Durid Diinta (Islaamka) darteed, hadday dhahaan waan maqalay waana Adeeenay ee maqal na dayna saasaa u khayroonaan lahayd una toosnaanlahayd, laakiin waxaa lacnaday Eebe Gaalnimadooda Darteed mana Rumeeyaan wax yar mooyee.
4|47|Kuwa la siiyey Kitaabkow Rumeeya waxaan soo dajinay isagoo rumeyn waxaad haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u Celino gadaasheeda ama Nacladno sidaan u Nacladnay Asaxaabtii (Kuwii) Sabtida (Yuhuudda) amarka Eebana waa kan lafalo.
4|48|Eeba ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo hadhay Cidduu doono, Ruuxii la wadaajiyo Eebe wuxuu beenabuurtay Dambi Weyn.
4|49|Ka warrama kuwa daahirin (amaani) Naftooda, Eebaa Daahiriya Cidduu doono lagamana Dulmiyo waxa ku dhaggan Jeex Laf Timireed (Wax yar).
4|50|Day siday ugu Been Abuuran Eebe isagaa ugu filan Dambi Cad.
4|51|Ka warran kuwa la siiyey qayb Kitaabka ah oo rumeyn Sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa Gaaloobay kuwaasaa ka hanuunsan (Toosan) Kuwa Rumeeyey Jidkooda.
4|52|Kuwaas waa kuwuu Nacladay Eebe, Cid Eebe Nacladayna uma heshid Gargaare.
4|53|Mise waxay leeyihiin Qayb Xukunka oo markaas ayan siinayn Dadka Laf Timir Duleelkeed (wax buuxiya).
4|54|Mise waxay ku Xasdi Dadka waxa Eebe Siiyey oo Fadli ah, waxaan Siinay Ehelkii Ibraahiim Kitaabka iyo Xigmad, waxaana siinay Xukun Wayn.
4|55|Waxaase ka mid noqday mid Rumeeya (Xaqa) waxaana ka mid ah mid ka Jeediya Xaqa, waxaa ugu Filan Jahannamo Gubid.
4|56|Kuwii ka Gaaloobay Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan.
4|57|Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal, oyna ku waari Dhexdeeda Waligood, waxayna ku mudan haween la Daahiriyey waxaana Galinaynaa Hoos Fiican.
4|58|Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka.
4|59|Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku Dooddaan Arrin u Celiya Eebe iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo Wanaag badan Xagga Abaalmarinta.
4|60|ka warran kuwa Sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyey iyo waxa lagu Dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku Xukuntami Shaydaan, iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu Baadiyeeyo Baadi Fog.
4|61|Marka lagu dhaho u kaalay wuxuu Soo Dejiyey Eebe iyo xagga Rasuulka waxaad Arkaysaa Munaafiqiinta oo kaa Jeedsan jeedasho.
4|62|Say noqon markay ku Dhaedo Musiibo (dhibaato) waxay hor marsadeen Gaemahoodu Darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebe inaanaan doonin waxaan Wanaag iyo Tawfiiq ahayn.
4|63|Kuwaasu waa kuwa Ogyahay Eebe waxa Quluubtooda ku Sugan ee ka Jeedso Xaggooda waanina waxaadna u dhahdaa naftooda Hadal xeel dheer.
4|64|Umaanaan dirin Rasuul in la Adeeco mooyee Idanka Eebe, hadday markay Dulmiyaan Naftooda ay kuu yimaadaan oy Dambi dhaaf waydiistaan Eebe una Dambi dhaaf waydiiyo Rasuulku waxay Eebe (ogaan) dambi dhaafe Naxariista.
4|65|Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi.
4|66|Haddaan ku Faral yeello korkooda Dila Naftiinna ama ka baxa Guryihiinna ma Faleen wax yar oo ka mid ah mooyee, hadday Falaan waxa lagu waanin yaa u. Khayr roon kuna daran (adag) sugnaan (Rumeyn).
4|67|Markaasaan ka siin lahayn Agtanada Ajir wayn.
4|68|waxaana ku hanuunin lahayn Jid Toosan.
4|69|Ciddii Adeeca Eebe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u niemeeyey Eebe, oo nabiyada, Rumeeyayaasha, Shuhadada iyo kuwa Suubban waxaana u fiican rafiiq kuwaas.
4|70|Arrintaasuna waa Fadliga Eebe waxaana ku Filan Eebe Ogaansho.
4|71|Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Qaata Digtoonidiinna Duulana idinkoo Koox Koox ah, ama Duula Dhamaan.
4|72|Waxaa idinka mid ah (Munaafiqiin) Cabsin (Dib marin) hadday idinku dhaedo Musiibp (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii Niemeeyey Eebe korkayga haddaanan la joogin.
4|73|Hadduu idin soo gaadho (Heshaan) Fadli Eebe (Khayr) wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna Jeceyl Shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon Liibaano Liibaan wayne.
4|74|Ha kula Dagaallameen Jidka Eebe kuwa ku Gatay Nolasha Dhaw Aakhiro (doorta Adduun) Ruuxii ku dagaalama Jidka Eebe oo la Dilo ama Adkaada waxaan Siinaynaa Ajir wayn.
4|75|Maxaad leedihiin ood ugu Dagaalami waydeen Jidka Eebe, iyagoo kuwa la Daeiifsan (Tabarta yaraa) oo rag iyo Haween iyo Caruurba ay leeyihiin Eebow naga Bixi Magaaladan Daalimiinta ah Ehelkeedu noogana yeel agtaada Wali iyo gargaare.
4|76|kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku Dagaallami Jidka Eebe, kuwa Gaaloobayna waxay ku Dagaallami Jidka Shaydaanka, ee la dagaallama Sokeeyaha Shaydaanku dhagarta Shaydaanku waa tabar yaryahaye.
4|77|Ka warran kuwa loo yidhi Reeba Gaemihiinna (Billoowgii Islaamka) Oogana Salaadda, Bixiyana Zakada markii lagu Faral yeelay Dagaalkana waxaa soo baxay Koox ka mid ah oo uga Cabsan Dadka Cabsida Eebe oo kale ama ka daran Cabsi, waxayna dhaheen Eebow maxaad noogu Faral yeeshay Dagaalka, maxaad Dib Noogu dhigi wayday Tan iyo Muddo dhaw, waxaad dhahdaa Raaxada Adduunyo waa yartahay, Aakhiraana u khayroon Ciddii Dhawrsan Laydinkama dulmiyo Fatiil oo kale (wax yar).
4|78|Meejaad ahaataanba wuu idin haleeli Mawdku (Geeridu) aad ahaateenba Daaro Dheerdheer oo la adkeeyey, hadday taabato wanaag waxay dhahaan tani waxay ka timid Xaga Eebe, hadday ku dhaedo Xumaanna waxay dhahaan tani waxay ka timid Agtaada (Nabiga) waxaad dhahdaa Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebe Agtiisa, maxaa u sugnaaday Qoomkaas uma dhawa inay Fahmaan Hadale.
4|79|Wixii ku soo gaadha oo Wanaaga waxay ka ahaadeen ebe, wixii kugu dhaea oo Xumaan ahna waxay ka ahaatay Naftaada, waana kuu Diray Dadka adoo Rasuul ah, wuuna ku Filanyahay Eebe Marag.
4|80|Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe, Ruuxii Jeedsadana kuugu maanaan dirin Haaliye.
4|81|Waxay dhihi (Munaafiqiintu) Daaead (baan nahay) markay ka tagaan Agtaadana waxay maamulaan (Habeenkii) Koox ka mid ah waxay leedahay waxaan ahayn, Eebana wuu Qori waxay Maamuli (miri) ee Ka jeed so Xaggooda talana saaro Eebe, waxaana ku filan Wakiil Eebe.
4|82|Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka, hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
4|83|markuu u yimaaddo amar Nabadgalta ah ama Cabdi way Faafiyaan hadday u Celiyaan Xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga Leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (Dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin Fadliga Eebee korkiinna iyo Naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yart mooyee.
4|84|Ee ku Dagaallan Jidka Eebe lama mashaqayn Naftaada mooyee, kuna boorri Mu'miniinta (Dagaalka) wuxuu u dhawyahay Eebe inuu idinka reebo dhibka kuwa Gaaloobay, Eebaana daran dhib daranna Xanuujin.
4|85|Ruuxii Shafeeca shafeeco Wanaagsan waxaa u ahaada Qayb ka mid ah, Ruuxiise Shaafeeca Shafeeco Xun waxaa u ahaan Dambi ka mid ah, Eebaana wax kasta Maaliya.
4|86|Haddii laydin Salaamo Salaan ku Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
4|87|Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe Hadal (ma jiro).
4|88|Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun).
4|89|Waxay jecelyihiin (Munaafiqiintu) inaad Gaaloowdaan siday u Gaaloobeen ood isku mid noqotaan, ha ka yeelanina Xaggooda Sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebe, haddayse Jeedsadaan qabta oo ku dila Meejaad ka heshaanba, hana ka yeelanina Xaggooda Sokeeye iyo Gargaare (Midna).
4|90|Kuwa Gaadhi qoom dhexdiinna iyo dhexdooda ballan (heshiis) yahay mooyee, ama idiin yimid yadow Cidhiidhyantahay Laabtoodu inay idinla Dagaallamaan ama la dagaallamaan Qoomkooda, hadduu doono Eebe wuu idinku diri lahaa wayna idin la dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la Dagaallamin oy idiin soo hormariyaan Nabadgalyo idiin ma yeelin Eebe korkooda Jid (Xaq kuma lihidiin Dagaal).
4|91|Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan Qoomkooda (daahirka) markastoo loo celiyo Gaalnimana waa lagu dedijiyaa dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin Nabadgalyo ooyan idinka reebin Gaemahooda qabta oo ku Dila meejaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan idiinka yeellay Xujo Cad.
4|92|uma habboona (banaana) Ruux Mu'min ah muu Dilo Mu'min si gaf'ah mooyee, Ruuxii u Dila Mu'min Gaf waxaa saaran Xorayn qoor Mu'min, iyo Mag la siiyo Ehelmiisii, inay Sadaqaystaan moyee, hadduu ka midyahay Qoom aad Coltihiin isna Mu'min yahay waxaa Saaran Xorayn Qoor Mu'min, hadduu ka midyahay Qoom ballan, idin dhexyaal waxaa saaran Mag la siiyo Ehelkiisii iyo Xorayn Qoor Mu'min ah, hadduusan helin (Qoorna) wuxuu Soomi Laba Bilood oo Israac raacsan, waana Toobad Eebe, Eebana waa Oge Falsau.
4|93|Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn.
4|94|Kuwa xada Rumeeyow markaad u Safartaan Jidka Eebe wax caddaysta (Hubsada) hana dhihina Ruux Salaan idiin soo gudbiyey ma tihid Mu'min idinkoo dooni Dhalateedka Nolosha dhaq. Eebe agtiisa yey tahay qaniimooyin Badan, saasaad ahaydeen horay waxaana idinku Mannaystay Eebe korkiinna, ee caddaysta (Hubsada), Eebana waxaad Camal falaysaan waa Ogyahay.
4|95|Ma Sinna kuwa Fadhiya ee Mu;miniinta ah oon kuwa dhibban ahayn iyo kuwa kula Jahaadi Jidka Eebe Xoolahooda iyo Naftooda, wuu ka Fadilay Eebe kuwa ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda kuwa fadhiya Darajo, dhammaanna wuxuu u Yaboohay Wanaag, wuuna kaga fadilay Eebe kuwa Jahaaday kuwa Fadhiya Ajir wayn.
4|96|Waa Darajooyin Xaggiisa ah iyo Dambidhaaf iyo Naxariis, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
4|97|Kuway Oofsato Malaa'igtu iyagoo Dulmiyey Naftooda waxay ku Dhahaan maxaad ahaydeen waxayna dhahaan kuwo lagu Daeiifsadat (tabar yar) Dhulka, waxayna dhahaan (Malaa'igtii) miyeyna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda, kuwaas Hooygoodu waa Jahannamo wayna u Xuntahay Aaye.
4|98|Kuwa la Daeiifsado oo Rag, Haween iyo Caruur oon tabar lahayn kuna Toosi karin Jidka mooyee.
4|99|Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebe inuu iska Cafiyo Xaggooda, Eebana waa Saamaxe Dhaafa (Dambiga).
4|100|Ruuxii ku Hijrooda Jidka Eebe wuxuu ka heli Dhulka Magangal badan iyo Waasacnimo, Ruuxii ka Baxa Gurigiisa isagoo u Hijroon Xagga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas uu sugnaaday Ajrigiisu Eebe (Fadhi dartiis) Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.
4|101|Haddaad ku Safartaan Dhulka ma aha korkinna Dhib (Dambi) inaad Gaabisaan Salaadda Haddad ka Cabsataan inay idin Fidmeeyan (Dhibaan) kuwa Gaaloobay, Gaaladuna waxay idiin yihiin Col Cad.
4|102|Markaad tahay dhexdooda Muslmiinta ood u oogto Salaadda ha istaagto Koox ka mid ah Agtaada hana Qaateen Hubkooda, markay Sujuudaan ha ahaadeen Gadaashiinna, hana Tukadeen la jirkaaga hana Qaateen Digtooniddoda iyo Hubkooda, waxay Jecelyihiin kuwa Gaaloobay inaad halmaantaan Hubkiinna iyo Alaabtiinna oo markaas ay idin soo Weeraraan mar kaliya (Idunku kadiyaan) Korkiinna ma aha Dhib hadduu idin hayo dhib Roob ah ama aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan Hubka Qaatana Digtoonidiinna. Eebana wuxuu u darbay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.
4|103|Markaad Gudataan Salaadda Xusa Eebe Taagni. Fadhi iyo Dhinieiinaba (Jiif) markaad xasishaanna (Aamin noqotaan) Ooga Salaadda (Dhameeya) Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun Waqtiyeysan (Mudaysan).
4|104|Haka Daeiifina (Jileina) Doonidda Qoomka (Gaalada) haddaad tihiin kuwa Xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynasaan, waxaadna ka rajaynasaan Eebe waxayna ka rajaynayn, Eebana waa Oge falsan.
4|105|Anagaa kugu soo Dajinay Kitaabka si Xaq inaad ku kala Xukunto Dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin Khaa'in u doode.
4|106|Dhambi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariista.
4|107|Ha ka Doodin kuwa Khayaamayn Naftoodda, Eebana ma Jeela Khayaamo badane Dambi badan.
4|108|Waxay iska darin Dadka iskamana Qariyaan Eebe isagoo la jooga markay Maamuli wuxuusan raalli ka ahayn oo hadal ah. Eebana waxay Camal fali wuu Koobay.
4|109|Idinku kuwaasow waad ka doodeen Xaggooda Nolosha Adduunyo, yaase ka doodi Xaggooda Maalinta Qiyaame ama u noqon Wakiil.
4|110|Ruuxii fala Xumaan ama Dulmiya Naftiisa (Dambaaba) markaas dambi dhaaf warsada Eebe wuxuu ka heli (ogaana) isagoo Dambi dhaafa ah Naxariistana.
4|111|Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday Naftiisa (Dhibkeeda) Eebana waa oge Falsan.
4|112|Ruuxii kasbada Gaf ama Dambi markaas ku gana Dambiga (ku sheega) mid barii ah wuxuu Xambaartay Been abuurasho iyo Dambi Cad.
4|113|Hadduusan jirin fadliga Eebee korkaaga iyo Naxariistiisa waxay Hammin lahayd Koox (dooni lahayd) oo ma kid ah inay ku dhumiyaan mana dhumiyaan Naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna kugu soo dajiyey Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon Fadliga Eebana korkaaga waa ku waynyahay.
4|114|Khayr ma leh wax badan oo Faqooda ah, oon ahayn mid fara Sadaqo ama Wanaag ama Hagaajin Dadka dhexdooda, Ruuxii fala Saas doonid raali ahaanshaha Eebe waxaanu siin Ajir wayn.
4|115|Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu'miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.
4|116|Eebe ma dhaafo in lala Wadaajiyo (Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafa wixii waxaas ka soo hadhay Cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn.
4|117|ma Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan dhadig ahayn, mana Caabudayaan waxaan Shaydaan madax adag ahayn.
4|118|Ha Laenado Eebe shaydaan wuxuu yidhi waxaan ku yeelan Addomada Qayb Sugan.
4|119|Waan baadiyeyn waan yididiilo (Xun) galin waana fari (Xumaanta) waxayna jeex jeexi Dhagaha Xoolaha waana fari (Xumaanta) waxayna doorin abuurka Eebe ruuxii ka yeesha shaydaan Wali Eebe ka sokow dhab ahaan buu u Khasaaray Khasaare Cad.
4|120|wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn.
4|121|kuwaasna hooygoodu waa Jahannamo kamana helaan xaggeeda iilasho (iyo fakasho).
4|122|kuwa rumeeyey xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin Janooyin oy socoto dhexdeeda Wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed. waana yabooha Eebe oo sugan. yaa ka run badan Eebe hadal (cidna).
4|123|Ma aha (xaalku) yididiiladiinna iyo yididiilada ehelu Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga Abaal marin mana helayo Eebe ka sokow wali iyo gargaare (midna).
4|124|ruuxii fala wanaag lab ah ama dhadig isagoo rumeysan (xaqa) kuwaasu waxay gali Janada lagamana dulmiyo duleel (laftimireed).
4|125|yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah).
4|126|Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka. Eebana waa wax walba koobe.
4|127|waxay ku warsan Haweenka, waxaad dhahdaa Eebaa idiin fidyoon (sheegi) Xaalkooda iyo waxa lagu akhiriyi korkiinna Kitaabka Haweenka Agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee caruurta ah, iyo inaad u maamushaan Agoonta cadaalad, waxaad fashan oo kheeyr ahna Eebe waa ogyahay.
4|128|hadday Haweeney ka cabsato Ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeedsasho dhib ma saara korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaad so Wanaag fashaan ood dhawrsataan Eebe waxaad Camal falaysaan waa ogyahay.
4|129|ma kartaan inaad sintaan Haweejkiinna dhexdooda aadba dadaasheene ee ha ka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan). haddaad wanaajisaan ood dhawrsataan Eebe waa dambi dhaafe Naxariista.
4|130|hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebe mid kasta waasacnimadiisa, Eebana waa waasac (Fadligiisu) waana falsame.
4|131|Eebaa iska leh waxa Samaawaadka ku sugan iyo dhulka. waxaana u dardaarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebe, haddaadse gaaloowdaan Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo dhulka. Eebana waa hodan Amaanan.
4|132|Eebaa iska leh waxa ku sugana Samaawaadka iyo Dhulka waana ku filanyahay Eebe Wakiil.
4|133|hadduu doono wuu idin tagsiin (dhamayn) Dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebe Taas.
4|134|Ruuxii dooni abaal Adduunyo Eebe agtiisa yuu jiraa Abaalka Adduunyo iyo Aakhiraba Eebana waa Maqle Arka.
4|135|kuwa (Xaqa) rumeeyow noqda kuwo u istaaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha ahaato ama Waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad Caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay.
4|136|kuwa (Xaqa) rumeeyow rumeeya Eebe (si dhabah) iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebe, malaa'igtiisa, kutubtiisa, rasuuladiisa iyo maalinta dambe (Qiyaamada) wuu dhumay dhumid fog.
4|137|kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee hadana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday Gaalnimo ma aha Eebe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka (Toosan).
4|138|ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan Cadaab daran.
4|139|waana kuwa ka yeesha Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, ma waxay ka dooni Agtooda sharaf, sharafna Eebaa iska leh dhammaanteed.
4|140|wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan.
4|141|oo ah kuwa udun la suga (dhibaato) hadduu gargaar xagga Eebe idiinka ahaado waxay dhihi miyaanaan idinla jirin, hadduu gaalada u sugnaado nassibna waxay dhahaan miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin Mu'miniinta, Eebaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebe gaalada mu'miniinta korkooda waddo.
4|142|munaafiqiintu waxay dhagri Eebe (isku dayi) isna wuu dhagri (oo abaal Marin) markay u istaagaan Salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is tusi Dadka Mana xusaan Eebe wax yar mooyee.
4|143|waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebe uma heshid Waddo (eid hanuunin).
4|144|kuwa (Xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, Ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebe korkiinna xujo cad (inuu idin ciqaabo).
4|145|munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umanaheshid gargaare.
4|146|kuwa toobadkeena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebe, oo u kali yeela Diintooda (Cibaadadooda) Eebe kuwaasi waxay la jiri mu'miniinta, wuuna siin doonaa Eebe Mu'miniinta Ajir wayn.
4|147|muxuu ku fali Eebe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebana waa mahdiye Waana oge.
4|148|Ma Jeela Eebe in lala Qayliyo Xumaan oo Madal ah Ruux la Dulmiyey Mooyee Eebana waa Maqle og.
4|149|Haddaad Muujisaan Khayr ama Qarisaan ama Cafidaan Xumaan Eebana waa Dhaafe kara.
4|150|Kuwa ka Gaalooba Eebe iyo Rassulkiisa oo dooni inay kala (Bixiyaan) Eebe iyo Rasuulkiisa oo odhan waxaannu Rumayn Qaar waana Diidi Qaar oo dooni inay ka yeeshaan Arrintaa dhexdeeda Waddo.
4|151|Kuwaasi iyaga umbaa Gaalo dhab ah, waxaana u darbannay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.
4|152|Kuwa rumeeyey Eebe iyo Rassulkiisa oon kala bixinin Cid ka mid ah kuwaas wuu Siindoonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa Dhaafe Naxariista.
4|153|Waxay ku warsan Ehelu Kitaabku Inaad kaga soo Dejiso Kitaab Xagga Samada, Dhabahaan yey u warsadeen (Nabi) Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen noo tusi Eebe si Cad waxaana qabatay qaylo (daran) Dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen Dibi intay u Timid Xujooyin, waana ka Cafinay Arrintaas, waxaana siinay Nabi muuse Xujo Cad.
4|154|Waxaan koryeellay (Buurta) Dhuur Ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi ka gala Irridda idinkoo Sujuudsan, waxaana ku nidhi ha ku xadgudhina Sabtida waxaana ka qaadnay Ballan adag.
4|155|(Waan Lacnadnay) Burintooda Ballankooda iyo ka Gaalowgooda Aayaadka Eebe iyo u Dilidda Nabiyada Xaqdarro iyo Hadalkooda Quluubtanadu way daboolantahay, saas ma aha ee waxaa Daabacay (daboolay) Eebe Gaalnimadooda darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee.
4|156|iyo Gaalnimadooda darteed iyo Hadalkooda Maryama oy ku Been abuurteen si wayn.
4|157|iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay, (ekeysiiyey), kuwii isku Khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn Raacid Male umana dilin dhab.
4|158|Saas ma aha ee waxaa u koryeelay Xaggiisa Eebe, ilaahayna waa Adkaade Falsan.
4|159|Ehelu Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise Geeridiisa ka hor, Maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda Markhaati.
4|160|Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga Reebnay korkooda Wanaaga loo xalaaleeyey iyo ka Celintooda Jidka Eebe wax badan.
4|161|Iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga Reebay Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha Dadka si Baadil ah, waxaana u darbanay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran.
4|162|Laakiin kuwa ku xeeldheer Cilmiga oo ka mid ah iyo Mu'miniintu waxay rumeyn waxa lagugu Dejiyay, iyo wixii la Dejiyey hortaa, iyo kuwa Oogo Salaadda ee Bixiya Zakada ee rumeeya Eebe iyo Maalintii Dambe kuwaas waxaan siinaynaa Ajir wayn.
4|163|Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur.
4|164|iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal.
4|165|Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.
4|166|Laakiin Eebaa Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way Marag furi, Eebana ku Filan Marag.
4|167|Kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog.
4|168|kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid.
4|169|Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe.
4|170|Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka Eebana waa oge falsan.
4|171|Ehelu Kitaabkoow ha ku Xadgudbina Diintiinna hana ku Dhihina Eebe waxaan Xaq ahayn, Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku Tuuray Maryama iyo Ruux Xaggiisa ah ee rumeeya Eebe iyo Rasuulasiisa, hana dhihina Saddex (ILaah) reebtooma, saasaa idiin Khayr Roon, Eebe waa uun ILaah Kaliya, waa ka Nasahanyahay in ILmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo DHulka ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil.
4|172|Iskama kibriyo Masiix inuu ahaado Addoon Eebe, Malaa'igta la dhaweeyeyna (iskama kibriso) ruuxii iska kibriya Cibaadadiisa oo iswayneeya wuu u soo kulmin Xaggiisa Dhammaan.
4|173|Kuwa rumeeyey Xaqa oo Camal fiican fala wuxuu u Oofin Ajrigooda wuxuuna u kordhin Fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo iskibriya wuxuu Cadaabi Cadaab Daran mana helayaan Eebe ka sokow Wali iyo Gargaare (midna).
4|174|Dadow waxaa idiin yimid Xujo Xagga Eebe ah waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad.
4|175|Kuwa rumeeyase Eebe oo Qabsaday (isku dhawray) Eebe (iyo Quraanka) wuxuu Galin Naxariis xagiisa ah iyo Fadli wuxuuna ka Hanuunin Xaggiisa Jid Toosan.
4|176|Waxbay ku warsan, waxaad dhahdaa Eebaa idiin Fidyoon Kalaalada, hadduu dhinto Ruux aan ILmo lahayn oo leh Walaashiis waxay Mudan Nus wuxuu ka tagay isaguna wuu Dhaxli hadduusan ILmo u sugnaanin, hadday Labo yihiina waxay Mudan Labo Dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin Walaal Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa u sugnaaday Labo Dhadig Qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebe (Xaqa) inaydaan Dhumin Eebana wax kasta waa Ogyahay.
5|1|Kuwa (Xaqa) Rumeeyoow Oofiya Ballanka, waxaa Laydiin Baneeye Xoolaha Nicmoolayda waxa laydinku Ahrin Korkiina Mooyee idinkoon banaysanayn Ugaadshiga idinkoo xarman Eebana wuxuu Xukumaa wuxuu Doono.
5|2|Kuwa (xaqa) Rumeeyow ha Banaysanina Calaamooyinka Eebe (waxa reeban) iyo Bisha Xurmaysan iyu Hadyada iyo Midda loo Luqun Xidhay (Hadyada Baydka) iyo kuwa u Qasdi Baydka Xurmaysan, iyagoo Dooni Fadliga Eebahood iyo Raali ahaanshihiisa, Markaad Xalaalowdaanna (Dhamaysaan Xajka iyo Cumrada) Ugaadhsada (hadaad Doontaan) yeyna Idin ku Xambaarin Cadhada Qoom idinka Celiyey Masaajidka Xurmaysan inaad Xad gudubtaan, Isugu kaalmeeya Samaha iyo Dhawrsiga hana Isugu Kaalmaynina Dambi iyo Colnimo, kana Dhawrsada Eebe, Ilaahay way darantahay Ciqaabtiisu,
5|3|Waxaa laydinka Xarrimay Bakhtiga iyo dhiigga iyo Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu Xuso (Lagu Gawraco) waxaan magaca Eebc ahayn, iyo tii In Ceejiyo, iyo la Ganac gooyo, iyo lan meel ku dhacda, iyo Tii la Hardiyo, iyo Midduu Cunay bahal, wuxaud Gawracdaan mooyee (waxaa kaloo reeban) wixii lagu gawraco Sanam, iyo inaad ku Nasiib doontaan Faal, kaasi waa Fisqi, maantayna ka quusteen kuwii Gaaloobay Diintiinna, Ee ha ka Cabsanina ee iga Cabsada, Maantaan idiin kaamilay (Dhameeyey) Diintiinna waxaana idiin Taamyeelay Korkiinna Nicmadayda waxaana idiinka Raalli noqday Islaamka Diin ahaan, Ciddii loo Dhibaateeyo Baahi inay cunaan wixii laga xaaraameeyey oon Falayn Dambi Eebc waa dambi dhaafe Naxariista.
5|4|waxay ku warsan maxaa loo Xalaaleeyey waxaad dhahdaa waxaa laydiin xallilay Wanaagga (Xalaasha) iyo waxaad wax barteen oo wax Dhaawaca idinkoo ku ugaadhsan, ood baraysaan wuxuu idin baray Eebe ee ka cuna waxay idiin qabtaan ku Xusana Magaca Eebe kana Dhawrsada Eebe, ILaahay waa deg degtaa Xisaabtiisuye.
5|5|Maanta waxaa Laydiin Xalaaleeyey Wanaagga Cunada kuwa la siiyey Kitaabna Xalaalbuu idiin yahay. Cunadiinuna xalaalbay u tahay, iyo kuwa Dhawrsoon oo Mu'minaadka ah (Guurkooda) iyo kuwa Dhawrsoon oo ka Mid ah kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horreeyey haddaad siisaan ujuuradooda (Meherkooda) iyagoo Dhawrson oon Xumaan (Zino) Samaynayn Yeelanaynna Saaxibbo (Xun) Ciddii ka Gaalowda limaanka wuu Hoobtay Camalkiisu wuxuuna ka mid noqon aakhiro kuwa Khasaaray.
5|6|Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana Madaxiinna (Dhaqana) Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya, Haddaad Buktaan ama Safartihiin ama ka timaadaan Kortag ama Istaabataan haween oydaan helayn Biyo ku Gagabaysta shul daahir kuna Masaxa Wajigiinna iyo Gacmihiinna, idin lama doonayo Eebe inuu isin yeelo korkiina Dhib wuxuuse dooni inuu idin Daahiriyo idiin dhammeeyo Nicmadiisa korkiinna inaad Shugridaan Darteed.
5|7|Xusuusta Nicmada Eebe iyo Ballankiisa uu idin kula Ballamay markaad Dhahdeen waan maqalay waana adeecnay kana Dhawrsada Eebe ILIeen ILaahay waa Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.
5|8|Kuwa (xaqa) Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u Darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaalad yeyna idinku Xambaarin Cadhada qoom inaydaan Caddaalad falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw Dhawrsashada (Eebe) kana Dhawrsada ILaahay, Eebe waa Ogyahay waxaad falaysaane.
5|9|Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican inuu u sugnaaday Dambi dhaaf iyo Ajir wayn.
5|10|Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkannaga kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Jaxiimo.
5|11|Kuwa (xaqa) Rumeeyow Xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markay Hamiyeen «dooneen» qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan) Gacmahooda oo (Eebe) idinka reebay Gacmohooda Xaggiina kana Dhawrsada Eebe, Ilaahayna ha tala Saarteen Mu'miniintu.
5|12|Dhab ahaanbuu u qaaday Eebe Ballanka Banii'Israa'iil, waxaana ka Bixinay Xaggooda Labo iyo toban Madax ah, wuxuuna yidhi Eebe anagu waan idin la jiraa Haddaad Oogtaan Salaadda oo Bixisaan Zakada ood Rumaysaan Rasuuladayda, ood una Gargaartaan oo amaah gashataan Eebe amaah (Sadaqo) Fiican waxaan ka Asturi Xaggiinna Xumaanta waxaana idin galin Jannooyin ay Dureeri Dhecdeeda Wabiyaal Ruuxii Gaalooba intaas ka Dib oo idin Ka mid ah wuxuu ka Dhumay Jidka Toosan.
5|13|Burintooda Ballankooda (Yuhuud) yaan u Lacnadnay kana Yeellay Quluubtooda mid Ingagan, iyagoo ka leexin Kalimada meejeeda waxayna halmaameen qayb ka mid wixii lagu waaniyey kamana waydid Xaggooda inaad ku aragtid Khayaamo wax yar mooyee ee iska Cafi iskana Saamax Eebe wuxuu Jecelyahay samo Falayaashee.
5|14|Kuwa Yidhi waxaan nahay Nasaara waxaan ka qaadnay Ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu Waaniyey, markaasaan ku sii daynay Dhexdooda Colnimo iyo Cadho Tan iyo Maalinta Qiyaame, wuuna uga warrami Eebe waxay Samaynayeen.
5|15|Ehelu Kitaabow waxaa idiin Yimid Rasuulkannaga oo idiin Caddayn wax badan ood ahaydeen kuwo ka qariya Kitaabka (Tawreed) wuxuuna idinka Cafiyi wax badan, waxaana idiinka Yimid Xagga Eebe Nuur iyo Kitaab Cad.
5|16|Uuna ku Hanuuniyo Eebe Ruuxii Raaca Raalli ahaanshihiisa Jidka Nahadgalyada kana bixin Mudiyada Xagga Nuurka Idinkiisa kuna hanuunin jidka Toosan.
5|17|Waxaa Gaaloobay kuwa yidhi Eebe waa uun Masiixi Ibnu maryama, yaa uga Hanan Eebe waxba hadduu doono inuu Halaago Masiixi Ibnu Maryama iyo Hooyadiis iyo waxa Dhulka ku sugaan Dhammaan, Eeba iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa u Dhaxeeya, wuxuuna abuuraa wuxun Doono Eebana wax kasta wuu karaa.
5|18|Waxay Dheheen Yuhuud iyo Nasaaraba anagu waxaan nahay Caruur Eebe iyo juwuu Jecelyahay waxaad Dhahdaa Muxuu idiinku Cadaabaa dambigiinna saas ma aha ee waxaad Tihiin Dadka Eebe Abuuray, wuu u Dhaafi Cidduu Doono wuuna Cadaabi Cidduu Doono, Eebana waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka, iyo Dhulja iyo waxa u Dhexeeya Xaggiisaana loo ahaan.
5|19|Ehelu Kitaabow waxaa idiin Yimid Rasuulkanagii isagoo Idiin Caddayn Muddo (kadib) rasuulada inaydaan dhihin nooma Imaan Bishaareeye iyo Dige, Eebana wax kasta wuu karaa.
5|20|(Xusuuso) Markuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Qoomkiisa, Qoomkayow Xusuusta Niemada Eebe ee korkiinna markuu yeelay Dhediinna Nabiyo idinkana yeelay Xukaam idinsiiyeyna waxaan la siin Cid Caalamka ah, (Waqtigiinnii).
5|21|Qoomkayow gala Dhulka la Daahiriyey oo idiinyaboohay Eebe hana u noqonina Gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo Kashaaray.
5|22|Waxay dheheen Muusow waxaa (Dhulka) Dhexdiisa ah qoom daran mana galayno intay ka baxaan xaggeeda hadday ka baxaanna waanu gali.
5|23|waxay Dheheen Labo Nin oo ka mid ah kuwa ka Cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe uga gala albaabka Markaad gashaan idinkaa Adkaane, Eebana tala saarta haddad Mu'miniin tihiin.
5|24|Waxay dheheen Muusow anagu ma galayno Waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebaha oo la dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye.
5|25|Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma hanto Naftayda iyo Walaalkay Mooyee ee nakala Bixi (Xukun) Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun).
5|26|(Eebe) Wuxuu Yidhi iyadu «Dhulka» waa ka Xaaraan korkooda Afartan Sano oy ku Wareeri Dhulka ee haw Murugoon qoomka Faasiqiinta ah.
5|27|Ku akhri Korkooda warka Labadii Wiil ee Ilmo Nabi aadam ahayd si dhab ah, markay Dhaweeyeen (Sadaqaysteen) Sadaqo oo laga Aqbalay Midkood lagana aqbalin kii kale, oo uu Yidhi waan ku Dili uu Yidhi (Kii kale) wuxuu uun Eebe ka aqbalaa kuwa Dhawrsada.
5|28|Haddaad u soo Fidiso Xaggayga Gaeantaada inaad i disho anigu kugu Fidin maayo gaeanta inaan ku dilo Anugu waxaan ka Cabsan ilaahay ee ah Eebaha Caalamka.
5|29|Waaxaana Dooni inaad la Noqoto Dambigayga iyo kaagaba ood noqoto Naarta Ehelkeeda Taasina waa Abaalka Daalimiinta.
5|30|Markaasay u qurxisay Naftiisii Dilka Walaalkiis Wuuna Dilay wuxuuna Nooqday kuwa Khasaaray.
5|31|Wuxuuna Eebe u Bixiyey (Muujiyey) Tuke Faadhi Dhulka inuu Tusiyo siduu u Asturo Maydka Walaalkiis, wuxuuna Yidhi Shalaytee miyaan ka Cajisay inaan noqdo Sida Tukahan oon Asturo Maydka Walaalkay wuxuuna ahaaday mid Qoomamooda.
5|32|Saas Darteed yaan ugu Jidaynay Banii-Israa'iil Cidii Disha Naf aan (Dilin) Naf ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay Dadka Dhammaan, Ciddii Noolaysa Nafna (Korisa) Waxay la mid Tahay Isagoo Nooleeyey Dadkoo Dhan, Waxay ula Timid Rasuuladanadii Xujooyin Markaas in Badan oo ka mida Intaas ka dib Dhulkay ku Xadgudbeen.
5|33|Abaalka kuwa la Dagaalama Eebe iyo Rasuulkiisa oo la Socda Dhulka Fasaad waa in la Dilo ama la Wadho, ama loo gooyo Gacmahooda iyo Lugabooda Isdhaaf, ama laga Fogeeyo Dhulka, arrintoodaasna waa inay Mudanyihiin Dulli Adduun iyo Aakhiro oo Cadaab Wayna.
5|34|Kuwa Toobad keena qabasho ka hor mooyee Ogaadana in Eebe Dambi Dhaafo oo Naxariisto.
5|35|Kuwa (Xaga) Rumeeyow ka Dhawrsada Eebe una Doona Xaggiisa Dhawaansho kuna Jahaada Jidkiisa waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
5|36|Kuwa Gaaloobay hadduu u ahaado waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan iyo wax la mid ah inay iskaga Furtaan Cadaabka Maalinta Qiyaame lagama Aqbaleen waxayna Mudan Cadaab Daran..
5|37|Waxay Dooni inay ka soo Baxaan Naarta kamana Baxaan Xaggeeda waxayna mudan Cadaab Joogta ah.
5|38|Tuugga iyo Tuugadda Gooya Gaemahooda Abaalmarin waxay kasbadeen Darteed waana Xanuujin Eebe ILaahayna waa adkaade Falsan.
5|39|Ciddiise Toobad keenta Dulmigiisa ka Dib oo Fiienaada ILaahay wuu ka Toobad Aqbali, Eebana waa Dambi Dhaafe naxariista.
5|40|Miyaadan Ogayn in Eebe u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka uuna Cadaabi Cidduu Doono, waana u dambi dhaafi Ciddu la doono Ilaahayna wax kasta wuu karaa.
5|41|Rasuulow Yeyna ka Walbahaarin kuwa ku Dag dagi Gaalnimada oo ah kuwa ku Yidhi Afkooda waan Rumaynay ooyna Rumayn Quluubtoodu, iyo kuwa Yuhuudoobay waxay maqli ogyihiin Beenta waxayna maqli Ogyihiin qoom kale oon kuu Imaanin waxayna ka leexiyaan Kalimooyinka Meelaheeda (Dhabta) waxayna Odhan haddii laydinsiiyo kan (Leexsan) qaata haddaanse laydin siinin ka Digtoonaada, Ruxuu Doono Eebe Ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebe la Doonin inuu Daahiriyo quluubtooda, waxayna Mudan adduunka Dulli Aakharana waxay mudan Cadaab wayn.
5|42|Waxay Maqli Ogyihiin Beenta waxayna Cunid Badanyihiin Xaaraanta hadday kuu Yimaaddaana kala Xu kun Dhexdooda ama ka Jeedsohaddaad kajeedsatana Wax kaama dhibaan haddaad kala xukuntana Caddaalad kukala xukun Eebe wuxuu Jecelyahay caadiliintee.
5|43|Siday kuugu Xukuntami Iyadoo agtooda yahay Tawreed oo Xukunkii Eebe ku Yaal markaasna ay ka Jeddsan intaas ka Dib Kuwaasi ma aha Mu'Muniin.
5|44|Anagaa soo Dejinay Tawreed oo Dhexdeeda ku suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u Hogaansamay Eebe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray madaxdii iyo Culimadii wixii laga Doonay inay ILaaliyaan oo Kitaabka Eebe ahm waxay ku ahaayeen Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka ee iga Cabsada ani, hana ku Gadanina Aayaadkayga Lacag (Qiimo) Yar. Ciddaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa Gaalo uun.
5|45|Waxaan ku Faralyeelay korkooda in Nafta (Loo qisaaso) Nafta, ishana Isha, Sankana Sanka, Dhagtana Dhagta, ILigana ILiga, Nabaradana waa laysu Qisaasi, Ciddii iska Sadaqaysata (Samaxda) waxay u Noqon Kafaaro (Dambi Dhaaf) Cidaanse Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa Daalimiin uun.
5|46|Waxaana Raacsiinay Raadkoodii ciise Ibnu Maryama Isagoo Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo Tawreeda Hanuun iyo Waanana u ah kuwa Dhawrsada.
5|47|Ila Xukumeen Ehelka Injiil wuxuu ku soo Dejiyey Eebe Dhexdiisa, Cidaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe waa Mid Faasiq ah uun.
5|48|Waxaana kugu Soo Dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo Rumayn wixii ka Horeeyey oo Kitaab ah. Isagoo Marag iyo ILaaliye u ah, ee ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe hana ka Raacin Hawadooda waxa kuu Yimid oo Xaq ah, Dhammaan waxaan u Yeellay Shareeco iyo Waddo hadduu Doono Eebana wuxuu idinka Yeeli Umad kaliya, Laakiin wuu idinku Imtixaami wuxuu idin Siiyey ee u Tartama Khayrka, Xagga Eebe yey Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idiinka Warrami waxaad isku Diidanaydeen.
5|49|Ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe, hana Raacin Hawadooda, kana Digtoonow inay kaa Fidmeeyaan waxa Eebe kugu soo Dejiyey qaarkiis, hadday Jeedsadaanna Ogow in Eebe la Doonayo inuu ku Aassi ibo (Ciqaabo) Dambigooda Qarkiis, wax badan oo Dadka ka mid ahna waa Faasiqiin.
5|50|Ma Xukunka Jaahilayad yey doonayaan, yaa ugu Fiican Eebe Xukunkiisa qoomka wax Yaqiinsan (Rumaysan).
5|51|Kuwa Xaqa Rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii ka sokeeya Yeelata oo idinka Mid ah wuxuue ka midyahay Iyaga, Eebe ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah.
5|52|Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka Buka (Munaafiqiinta) oo u Degdagi Dhexdooda, iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan inay nagu dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u Dhawdahay in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) Xagiisa ah oo Markaas ay ahaadaan kuwo waxay u Qarsanayeen Naftooda (oo Gaal jacayl ah) Qoomameeya.
5|53|Waxay Odhan kuwii Rumeeyey (Xaqa) ma kuwaasaa Kuwii ku Dhaartay Eebe Dhaar Adag inay idinla Jiraan, waxaa Hoobtay Camalkoodii waxayna ahaadeen kuwo Khasaaray.
5|54|Kuwa Xaqa Rumeeyow Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo idinka mid ah, wuxuu Eebe keeni qoom uu Jeeelyahay iyana Jeeel una naxariista Mu'miniinta kuna Daran Gaalada, kuna Jahaadi Jidka Eebe oon ka Cabsanayn Canaanta Canaante, Taasina waa Fadliga Eebe wuxuuna Siiyaa Cidduu Doono, Eebana waa Deeq Badane Og.
5|55|Waligiinnu waa uun Eebe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) ee Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Rukuuea.
5|56|Ciddii ka Waliyeelata Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Kuwa Rumeeyey Xaqa Xisbiga ILaahay Umbaa Adkaan.
5|57|Kuwa xaqa Reemeyow ha ka Yeelanina kuwa ka Yeeshay Diinta Jees Jees iyo Ciyaar oo ah kuwa Ehelu Kitaabka ah Idinkana Horeeyey iyo Gaalada sokeeye, kana Dhawrasada Eebe haddaad Tihiin Mu'miniin.
5|58|Markaad ugu Dhawaaqdaan Salaaddana waxay ka Yeeshaan Jees Jees iyo Ciyaar, waxaana Arrintaas ugu Wacan inay Yihiin Qoomaan waxkasayn.
5|59|Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow Miyaad Noogu Cadhoonaysaan inaan Rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo Dejiyey iyo wixii la Dajiyey horay Mooyee, Badankiinnu waa Faasiqiin.
5|60|Waxaad Dhahdaa maydinka warramaa waxa ka Sharbadan Arrintaas abaal Marinta Eebe Agtiisa waa mid Eebe Nacladay una Cadhooday kana Yeelay Daanyeerro, Doofaarro iyo Shaydaan Caabude, Kuwaasay Shar badantahay Meejoodu kana Dhumid Badan Jidka Toosan.
5|61|Hadday idiin Yimaaddaan waxay Dhahaan waan Rumaynay (Xaga) iyagoo la soo Galay Gaalnimo, lana Baxay, Eebana waa Ogyahay waxay Qarin,
5|62|Waxaad Arkaysaa wax Badan oo ka mid ah oo u degdegi dambiga iyo Colnimada iyo cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan badan waxay Fali.
5|63|May ka Reebaan Ikhyaartu iyo culimadu hakalkooda dambiga ah iyo Cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan badan waxay Samayn.
5|64|Waxay Tidhi Yuhuuddu Gacanta Eebe waa Laabantahay, ha lallaabo Gaemahoodu hana La naclado hadalkay Dheheen Dartiis, saas ma aha ee waxay ku Fidsanyihiin Khayrka (Deeq badane) wuxuuna u Nafaqeeyaa Siduu Doono, wuxuuna u Kordhin wax badan oo iyaga ka mid ah waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa Xad Gudub iyo Gaalnimo, waxaana ku Dhex tuuray Col iyo Cadho tan iyo Qiyaame, mar kastooy huriyaan dab Dagaalna waxaa bakhtiiya Eebe, waxayna la Soedaan Dhulka Fasaad, ILaahayna ma Jeela kuwa wax Fasaadiya.
5|65|Hadday Ehelu Kitaabku Rumeeyaan xaqa oy Dhawrsadaan waxaan ka Asluri lahayn Xagooda Xumaantooda waxaana Galinlahayn Jannada Naciimo.
5|66|Hadday ku Camal falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo Dejiyey Xagga Eebahoodna waxay ka Cuni lahaayeen Korkooda iyo Hoostooda, «barwaaqo» waxaa ka mid ah Umad Dhex dhexaysa wax badan oo ka mid ahna waxaa Xun Waxay Fali.
5|67|Rasuulow Gaadhsii waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa (Dadka) Haddaadan Falin Maadan Gaadhsiin Risaaladiisa «Fariintiisa», Eebaana kaa Haalin Dadka, Eebana ma hanuuniyo qoom Gaala ah.
5|68|Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah.
5|69|Kuwa Xaqa Rumeeyey iyo kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'iinta iyo Nasaara Ciddii Rumeysa Eebe, Maalinta Dambe (Qiyaamada) oo fala camal fiican cabsi korkooda ma ahaato iyo Walbahaar (Midna).
5|70|Waxaan Qaadnay Ballanka Banii'israa'iil waxaana u Diray Xaggooda Rasuullo, Markastoos ula Yimaaddo Rasuul waxaan Naftoodu Jeelayn Koox way Beeniyaan Kooxna way Dilaan.
5|71|Waxayna u Maleeyeen inaan Fidmo Jirin, wayna Indho Beeleen oo Dhago Beeleen, Markaasuu Eebe ka Toobad Aqbalay, markaasay Indho Beeleen oo Dhago Beeleen wax badan oo ka mid ah Eebana waa Arkaa waxay Fali.
5|72|waxaa Gaaloobay kuwa Yidhi Eebe waa Masiixi Ibnu Maryama, Wuxuuna Widhi Masiix (Ciise) Banii Israa'iilow Caabuda Eebe ee ah Eebanay iyo Eebihiin, Ruuxii u Shariig Yeela Eebe (La wadaajiya) wuxuu Eebe ka Xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta Daalimna ma helo Gargaare.
5|73|Waxaa Gaaloobay kuwii Yidhi ILaahay waa Saddex Midkood, ILaah kaliya Mooyee ILaah kalana ma jiro, hadayna ka Joogin waxay Sheegina waxaa Taaban kuwa Gaaloobay oo ka mid ah Cadaab Daran.
5|74|Miyeyna u Toobad keenayn Eebe oyna Dambi Dhaaf warsanayn, Eebaana Dambi Dhaafe Naxariista ah.
5|75|Masiix (Ciise) Ibnu maryama ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis rasuuladii, hooyadiisna waxay ahayd rumayso, waxayna cuni jireen Cunnada, day Saannu ugu Caddayn Aayaadka Markaas day Sida loo iilo.
5|76|Waxaad Dhahdaa ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Hananin Dhib iyo Dheef (midna) Eebana Yahay Maqle Oge ah.
5|77|Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow ha ku Xadgudbina Diintiinna si aan Xaq ahayn, hana Raacina hawada qoom Dhumay mar hore Dhumiyeynna wax badan kana Dhumay Jidka Toosan.
5|78|Waa lagu Lacnaday Kuwii Gaaloobay oo Banii Israa'iil ah Carrabka Daa'wuudd iyo Ciise Ibnu Maryama Arrintaasna waxaa ugu Wacan Caasinimadooda ahaayeenna kuwo Xadgudba.
5|79|Waxayna ahaayeen kuwaan iska Reebayn Xumaan ay Falayaan, waxaa Xun waxay Falayeen.
5|80|Waxaad Arkaysaan wax badan oo ka mid ah oo ka Sokeeye Dhigan kuwo Gaaloobay waxaa Xun waxay u Hortmarsatay Naftoodu oo ah in Eebe u cadhooday, Cadaabkana ay ku Waari.
5|81|Hadday Yihiin kuwo Rumeyn Eebe iyo Nabiga iyo waxa lagu soo Dejiyey mayna Yeesheen Sokeeye Gaalo laakiin wax badan oo ka mid ah waa Faasiqiin.
5|82|Waxaad Ogaan kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo Dhaw Jacayl kuwa Rumeeyey Xaqa (muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan.
5|83|Markay maqlan waxaa lagu soo Dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo Ilmo ka Daadan waxay aqoonsadeen oo xaqa ah iagoo dhihi Eebow waan Rumeynay ee nagu dhig (Yeel) kuwa marag furi (Xaqa qiri).
5|84|Maxaanaan u rumeynaynin Eebe iyo waxa noo yimid oo xaq ah oonaan u Damcaynin inuu na galiyo (naga yeelo) Ilaahanno qoomka Suuban la Jirkooda.
5|85|wuuna ku Abaal marin Eebe waxay Dhaheen Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Abaal marinta Samafalayaasha.
5|86|kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkanaga Kuwaasu Waa Jaxiimo Ehelkeeda.
5|87|Kuwa xaqa Rumeeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin Banneeyey hana Xadgudbina, Eebe ma Jeela kuwa Xad gudbee.
5|88|Waxna ka Cuna Wuxuu Idinku Arzaaqay Eebe isagoo Xalaal Fiican ah kana Dhawrsada Eebe ee ah kaad Rumeysantihiin.
5|89|Eebe Idiin ma Qabto Dhaar DanLa'aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saaduuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudantihiin inaad ku Mahdisaan.
5|90|Kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka, Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Foogaada inaad Liibaantaan.
5|91|Wuxuu uun Dooni Shaydaanku inuu Idinku Dhectuuro Colnimo iyo isnac Khamrada iyo Qamaarka idinkana Celiyo Xusidda Eebe iyo salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga).
5|92|Adeeca Eebe Adeecana Rasuulka Digtoonaadana, Haddaadse Jeedsataan Ogaada waxaa uun Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin Cadi.
5|93|Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha.
5|94|Kuwa Xaqa Rumeeyow wuxuu idinku Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebe Muujiyo Cidda ka cabsata isagoo kali ah, Ciddiise xad gudubta intaas ka dib wuxuu Mudan Cadaab daran.
5|95|Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka mid ah si kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi labo Caadil ah oo idinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Aarsada.
5|96|Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo Socdaalba, (Idinkoo Xarman) waxaana Laydinka Reebay ka Ugaadshiga Barriga intaad Xarmantihiin, ka Dhawrsada Eebaha Xaggiisa Laydiin soo Kulmin.
5|97|Wuxuu ka Yeelay ILaahay Kacbada Bayd (Guriga) Xurmada Leh, Dhawridda dadka iyo Bilaha Xurmada leh iyo Hadyada iyo Tan la Calaameeyey (Hadyada Darteed) waana inaad Ogaataan in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo in Eebe wax kasta Ogyahay.
5|98|Ogaada in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay Eebana yahay Dambi Dhaafe Naxariista.
5|99|Ma Saarra Rasuulka waxaan Gaadhsiin ahayn, Eebana waa Ogyahy waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan.
5|100|Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) ma eka wax Xun iyo Wax Fiican Aadba la yaabtid Badnida kan Xune, kana dhawrsada Eebe Dadka Caqliga lahow inaad Liibaantaan.
5|101|Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Warsanina waxyaalo Haddii Laydiin Muujiyo idin Murug Galin, Haddaana Warsataan marka Quraanka la soo Dejin waa Laydiin Muujin, wuuna idinka Cafiyey Eebe Xaggeeda ILaahayna waa Dambi Dhaafe Dulbadan
5|102|Waxaa warsaday Qoom idinka Horreeyey Markaasay Noqdeen Kuwo ka Gaalooba (Markii loo Muujiyey).
5|103|Ma Yeelin Eebe Xoolo Caanahooda Sanamyada loo Bixiyo (Baxiira) iyo Xoolo Sanamyada loo siidaayo (Saa'ibo) iyo Xoolo Dhadig oo Sanamyada lagu sadaqaysto (Wasiilo) iyo Riti Sanamyada loo Daayo (Xaam) Laakiin kuwii Gaaloobay waxay ku Been abuuraan Eebe Been, Badankoodna wax ma Kasayaan.
5|104|Marka loo Yidhaahdo u Kaalaya waxa Eebe soo Dejiyey iyo Xagga Rasuulkana waxay dhahaan waxaa nagu Filan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno, oo Hadday Aabbayaalkood ayna wax Ogayn Hanuunsanaynna (Ma raacayaan).
5|105|Kuwa Xaqa Rumeeyow waxaa idin Saaran Naftiinna Idinma Dhibo Ciddii Dhunta Haddaad Hanuunsantaan, Xagga Eebe Umbaana Noqoshadiinnu tahay Dhammaan wuxuuna Idinka Warrami Waxaad Camal falayseen.
5|106|Kuwa Xaqa Rumeeyow Maragga Dhexdiinna ah markii mid idinka mid ah Geeridu u Timaaddo uu Dardaarmi Waa Labo Caadil oo idinka mid ah, ama Labo Kale oon idinka mid ahayn, markaad Socdaal Tihiin oo Geeeri idin Hesho, idinkoo ku Reebi Salaad Dabadeed iyagoo ku Dhaaran Eebe Haddaad Shakidaan inaanan ku Gadanayn Qiimo yar Qaraababa ha ahaadee qarinna mayno maragga Eebe Markaas aan noqonno kuwa Dambaabay.
5|107|Haddii la Ogaado inay Muteen Dambi waxaa Meejooda Joogsan (oo la Dhaarin) Labo kale oo ah kuwa ugu Mudnaan Badan Dhaxalkiisa, wayna ku Dhaaran Eebe inuu Maragoodu ka Xaqsanyahay Maragooda, mana xadgudbaynno markaas aan Noqonno Daalimiin.
5|108|Saasaana u Dhaw inay Maragga ula Yimaadaan Sidiisa Fiican ama ay ka Cabsadaan in la Diido Dhaartooda intay Dhaartaan ka dib, ee ka Dhawrsada Eebe Maqlana Eebana ma hanuuniyo qoom Fasiqiina.
5|109|(Ka warran) Maalintuu Kulmin Eebe Rasuulada kuna dhihi Maxaa laydiinku Jawaabay oy Dhihi ma Ogin adiga unbaa Ogaal Badan waxa maqan.
5|110|(Xusuuso) Markuu Eebe dhihi Ciise Binu Maryamow Xusuuso Nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan kugu Xoojinay Ruuxii Daahirka ahaa (Jibriil) ood kula Hadlaysay Dadka sariir-ilmood iyo adoo meel dhaxaada, iyo Markaan ku Baray Kitaabka iyo Xigmadda, iyo Tawreed, Injiil, iyo Markaad ka Yeelaysay Dhoobada Sidii Shimbir Idankayga ood Afuufaysay oy Noqonaysay Shimbir Idankayga, ood Bogsiinaysay indhoole Ku dhashe iyo Baras laha Idankayga, ood soo Bixinaysay Maydka Idankayga, Markaan kaa kaafiyey Banii Israa'iil markaad ula timid Xujooyin, oy Dheheen kuwii Gaaloobay oo ka mida kani waxaan Sixir ahayn ma aha.
5|111|Markaan u Waxyooday (kuILhaameeyey) Saaxiibadii Rumeeya aniga iyo Rasuulkayga oy dhaheen waan Rumaynay ee marag ka Noqo inaan Muslimiin nahay.
5|112|(Xusuuso) Markay Dheheen Xawaariyiintii Ciise Ibnu Maryamow Makaraa Eebahaa inuu nooga soo Dejiyo Xeedho (Cunno) Samada wuxuuna yidhi ka Dhawrsada Eebe Haddaad Mu'miniintihiin.
5|113|Oyna Dheheen waxaannu dooni inaan wax ka Cunno oy Xasisho Quluubtanadu oon Ogaanno inaad Run noo sheegi oonu Noqonno Kuwa ka Marag kaca.
5|114|Uuna Yidhi Ciise Binu Maryama Ilaahayow Eebahanow Nooga soo Deji Xeedho Samada u Noqota Ciid kaanaga hore iyo Kaanaga Dambe iyo Aayad Xaggaaga ka ahaatay nana Arzaaq adaa arzaaqe u Khayr roone.
5|115|Wuxuuna Yidhi Eebe waan ku soo Dejiin Korkiinna ee Ciddii ka Gaalowda ka dib oo idin ka mid ah waxaan Cadaabi Cadaab Aanan Cadaabayn Ruux Caalamka ka mid ah.
5|116|(Xusuuso) Markuu Yidhi Eebe, Ciise Binu Maryamow Ma adaa ku Yidhi Dadka ka Yeesha ani iyo Hooyaday Ilaahyo Eebe ka sokow, uuna Yidhi waad Nasahantahay Iguma Haboona inaan Dhaho Waxaanan Xaq u lahayn, Haddaan idhina waad ogtahay, waxaadna Ogtahay waxa Naftayda ku sugan Anuguse kuma Ogi Adiga unbaa ah kan waxa Maqan Og.
5|117|Kuma Dhihin waxaad i fartay waxaan ahayn, oo ah Caabuda Eeba hay iyo Eebihiin waxaana ku ahay marag intaan ku Noolahay Dhexdooda markaad i oofsatana adaa ILaaliye u ah adi Umbaana wax walba Marag u ah.
5|118|Haddaad Cadaabto waa uun addoomaadii, Haddaad u Dhaaftana adi umbaa Adkaade falsan ah.
5|119|Wuxuu Yidhi Eebe Kani (Maanta) waa Maalinta ay Anfici kuwa Runta Sheega Runtoodu, waxaana u Sugnaaday Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda Waligood waxaana ka Raalli Noqday Eebe Iyana way ka Raalli Noqdeen, Taasina waa Liibaanta wayn.
5|120|Eeba Iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa ku Dhex sugan Eebana wax kasta (uu Doono) wuu Karaa.
6|1|Mahad Eebaa iska leh ahna kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka, Yeelayna Mugdiya iyo Nuurka, Kuwa Gallobayse Eebahood yey wax la simi (la Caabudi)
6|2|Eebe waa kan idinka Abuuray Dhoobo Markaas Xukumay Ajal (Muddo) Ajal Magacaaban Yaana Agtiisa ah, idinkuse Gaalooy waad Shakisantihiin.
6|3|Eebe waa ILaaha Samooyinka waxa ku Sugan iyo waxa Dhulka ku Sugan wuxuuna Ogyahay Qarsoodigiinna iyo Muujiskiinna, wuxuuna Ogyahay, waxaad kasbanaysaan.
6|4|Aayaddii u Timaadda oo Aayadaha Eebahaa ka mid ah way ka Jeedsadaan.
6|5|Waxayna Dhab u Beeniyeen Xaqii Markuu u yimid Waxaase u Imaan Doona (Cidhibta) warkay ku Jees jeesayeen.
6|6|Miyeyna Arkayn intaan Halaagnay Hortood (wax badan) oo Qarniyo ah, oon ku Makaninay (siinay) Dhulka waxaanaan idin Makanin (Siinin) waxaan uga soo deeynay Samada (Roob) Darar ah, Waxaana ka Yeelay Wabiyada kuwo Socda Dhexdooda waanse Halaagnay Dambigooda Dartiis waxaana Ahaysiinay Gadaashood Qarni Kale.
6|7|Haddaan kugu soo Dejino Nabiyow Kitaab Qoran oo ay ku Taabtaan Gaemahooda waxay odhan kuwii Gaaloobay kani waxaan Sixir Cad aan ahayn ma aha.
6|8|Waxayna Dhihi maa lagu so Dejiyo Malag, Haddaan soo Dejinno Malagna waxaa la Dhamaynlahaa Amarka (Halaagga) lamana Sugeen.
6|9|Haddaan ka Yeello Malagna waxaan ka Yeeli lahayn Nin, Markaasaan Iskaga Dari lahaydeen Xaalka siday isaga Dari Jireen.
6|10|Waxaa Dhab ahaan loogu Jeesjeesay Rasuullo kaa Horreeyey Waxaana kuwii Jees jeesay ku dhacay (Ciqaabti) waxay ku Jees jeeseen.
6|11|Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Eega Siday Noqotay Cidhibtii Beeniyeyaasha Xaqa.
6|12|Waxaad Dhahdaa yaa leh waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka, Dheh Eebe, wuxuuna Isasaaray Naxariis, wuxuuna idin kulmin Maalinta Qiyaame Shakina ma lch, kuwa Khasaariyey Naftoodase ma Rumaynayaan.
6|13|Eebe waxaa u Sugnaaday waxa Xasila Habeenkii iyo Maalintiiba waana Maqle Oge ah.
6|14|Waxaad Dhahdaa ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la Caabudo) Eebaana ah kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase quudiyo, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaanta (Hogaansanta Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Mushrikiinta.
6|15|Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka Cabsan Haddaan Caasiyo Eebehay Cadaab Maalin wayn.
6|16|Ciuddii laga lilo Cadaabka Maalintaas wuu u Naxariistay Eebe Taasina waa Liibaanta Cad.
6|17|Hadduu ku Taabsiiyo Eebe Dhib wax Faydi ma jiro Isaga mooyee Hadduu ku Taabsiiyo Khayrna Isagaa wax Walba kara.
6|18|Waana ka Adkaadaha Addoomadiisa Korkooda waana Falsame Xeel Dheer.
6|19|Waxaad Dhahdaa yaa ugu Wayn Marag waxaad Dhahdaa Eebaa Maragga Dhexdeena ah, waxaana lay waxyooday Quraankan inaan idiinku Digo Idinka iyo cidduu Gaadho, Idinku ma waxaad Marag Furaysaan Inay Eebe la Jiraan ILaahyo kale, waxaad Dhahdaa ma Marag Furayo (Saas) Waxaad Dhahdaa Eebe waa uun ILaah kaliya Anuguna waxaan ka Bari ahay waxaad la Wadaajinaysaan.
6|20|Kuwaan Siinnay Kitaabka Waxay u Yaqaannaan Nabiga (Xaqnimadiisa) Siday u Yaqaanaan Caruurtooda kuwa Khasaariyey Naftoodana ma Rumeeyaan (Xaqa).
6|21|Wax ka Dulmi Badanna ma jirto cid ku Abuuray Eebe Been ama beeniyey Aayaadkiisa mana Liibaanto Daalimiintu.
6|22|Ka Warran Maalintaan Kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno Kuwii la Wadaajiyey Aaway kuwaad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadna ahaydeen kuwo Sheegan (Inay wax tari).
6|23|Markaas Xujadoodii ma ahayn inay Dhahaan Eebaan ku Dhaarannaye Maanaan ahayn Mushrikiin (Wax la wadaajiya).
6|24|Bal day say ugu beensheegeen Naftooda ugana Dhumay waxay Been Abuuran jireen.
6|25|Waxaa ka mida kuwo ku Dhagaysan waxaana yeellay Quluublooda Dabool inay kasaan (Quraanka) Dhagahoodana waxaan Yeellay Culays, Hadday Arkaan Aayaad kasta ma Rumaynayaan, Markay kuu Yimaaddaanna way kula Murmaan iyagoo dhihi kuwii Gaaloobay kani (Quraanku) ma aha waxaan warkii Kuwii Hore ahayn.
6|26|Waxayna ka Reebi Dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka Fogaan mana halaagayaan waxaan Naftooda ahayn, mase Oga.
6|27|Haddaad aragto Marka la Joojin Gaalada Naarta Korkeeda oy Dhihi Shallaytee Maa nala Celiyo oo aanaan Beenin Aayaadka Eebahanno oo Noqonno Kuwa Rumeeyey (waxaad arki lahayd arrin Wayn).
6|28|Waxaase U Muuqday waxay Qarinayeen horay haddii la Celiyana waxay ku Noqon lahaayeen wixii laga Reebay waana Beenaalayaal.
6|29|Waxay dhihi wax kale ma jiro ee waannu ku Noolaan Adduunyada Nalamana soo Bixinaayo.
6|30|Haddaad Aragto Marka la hor Joojiyo Eebahood oo ku Dhaho Miyuuna kan Xaq ahayn, oy Dhahaan waa Xaq Eebaan ku Dhaaranaye oo uu ku dhaho Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed (Waxaad arki arrin wayn).
6|31|Waxaa Dhab u Khasaaray Kuwa Beeniyey la Kulanka Eebe markay ugu Timaaddo Saacadda (Qiyaame) si kada ahna waxay Dhahaan Shallaytadanno waxaan ku Gabood fallay Dhexdeeda, waxayna ku Xambaari Dambigooda Dhabarkooda waxaana Xumaanbadan waxay Xambaari.
6|32|Nolosha Adduunyana ma aha waxaan Ciyaar iyo Madadaalo ahayn Guriga Aakharaana u Khayr roon kuwa Dhawrsan ee Miyeyydaan wax kasayn.
6|33|Waxaan Ognahay inuu ku Walbahaarin waxay Sheegi Dhab ahaan kuuma Beeninayaan Laakiin Daalimiintu Aayaadka Eebe yey Diidi.
6|34|Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii.
6|35|Hadday kugu Wanaatay (Cuslaatay) Jeedsigoodu haddaad karto inaad god ka Teelato Dhulka ama Sallaan Samada ood Aayad u keentid (Samee) Hadduu Doono Eebana wuxuu ku kulmin lahaa hanuunka ee ha ka mid noqonin Jaashiliinta.
6|36|Waxaa uun Ajiibi Ogolaan Xaqa kuwa Maqli, kuwa Dhintayse waxaa soo Bixin Eebe Xaggiisaana loo Celin.
6|37|Waxay Dhaheen maxaa loogu soo Dejin waayey «Mucjisad» Aayad Xagga Eebihiis, waxaad Dhahdaa Eebe waa karaa inuu soo Dejiyo Aayad Badankoodse ma Oga.
6|38|Wax ka Socda Dhulka ama Shimbir ku Duuli Garbihiisa oo Dhan waa umado Idinla mid ah, waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo Kulmin Dadka Xagga Eebahood.
6|39|Kuwa Beeniyey Aayadkanaga waa DhagaLa'yihiin oo Af la`yihiin Mugdibayna ku Suganyihiin, cidduu Doono wuu Dhumiyaa Eebe Tuu Doonana wuxuu Yeela Jid Toosan.
6|40|Waxaad Dhahdaa Bal ka warrama hadduu idiin Yimaaddo Cadaabka Eebe ama idiinTimaadda Saacaddu (Qiyaame) wax Eebe kasoo hadhay Miyaad Baryeysaan haddaad Runsheegaysaan.
6|41|Isaga Unbaana Baryeysaan oo Faydi waxaad ka baryeysaan hadduu Doono waadna Halmaamaysaan waxaad la Wadaajinaysaan.
6|42|Waxaan u Dirray (Rasuul) Ummado idinka Horreeyey waxaana ku gabanay Dhibaato iyo Cudur intay Baryaan (Eebe).
6|43|Maa Markuu u Yimaaddo Dhibku ay baryaan (Eebe) Waxaase ingagtay Quluubtoodii wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan waxay Falayeen.
6|44|Markay Halmaameen (Ka Jeedsadeen) wixii lagu Waaniyey Yaan u Furray Korkooda irridaha wax Kasta Markay ku Farxaan waxaa la Siiyey yaan ku qabannaa kado, Markaasay ahaadaan kuwo Quusta.
6|45|Waxaana la Gooyey Cidhibta Qoomkii Dulmiga Falay Mahadna Eebaa iska leh ah Eebaha Caalamka.
6|46|Waxaad Dhahdaa Bal Warrama Hadduu Eebe qabto Maqalkiinna iyo Araggiinna oo Daboolo Quluubtiinna waa ILaahee ka soo Hadhay Eebe ee idiin keeni, Day Sedan u Cel-Celinno Aayaadka Markay say u Jeedsan.
6|47|Waxaad Dhahdaa Bal Warrama hadduu Idiinku Yimaaddo Cadaabka Eebe Kado ama Caddaan miyaa la Halaagaa waxaan Qoomka Daalimiinta Ahayn.
6|48|Rasuulada waxaan u Dirraa inay Bishaareeyaan oo Digaan, Ciddii Rumaysa Xaqa oo Wanaajiya (Camalka) Cabsi iyo Murug midna ma Saarro.
6|49|Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaa Taaban Cadaab Faasiq Nimadooda Darteed.
6|50|Waxaad Dhahdaa Ma Dhahayo waxaa Agtayda ah Khasnadaha Eebe, waxy Maqanna ma Ogi, mana Dhahayo waxaan ahay Malag, waxaan uun Raaci wixii lay waxyoodo wwaxaad dhahdaa ma egyihiin Indhoole iyo Arke Miyeydaan Fikirayn.
6|51|Ugu dig Quraanka kuwa ka Cabsan in Ioo soo kulmiyo Eebahood iyagoon lahayn Sokaydiis Qaraabo iyo Shafeece Midna inay Dhawrsadaan Darteed.
6|52|Hana Eryin kuwa Baryi Eebahood aroor iyo Galabba iyagoo dooni Wajigiisa waxba kaama saarra Xisaabtooda iyana Xisaabtaada Waxba kama Saarra ood eridid ood ka mid noqotid daalimiinta.
6|53|Saasaaan isugu Imtixaanay (Dadka) Qaarkood Qaarka kale inay Dhahaan ma kuwanaa Eebe ku Manaystay (Islaamka) Dhexdannada, Miyuusan Eebe ahayn kan og kuwa ku Mahdiya.
6|54|Markay kuu Yimaadaan kuwa Rumeeyey Aayaadkanaga waxaad Dhahdaa Nabadgalyo Korkiinna ha ahaato, wuxuu Eebe Isasaaray Naxariis, oo ah Ciddii idinka mid ah oo Fasha Xumaan isagoo ka Jaahil ah oo Toobad keena nn wanaajiya Eebaa Dhaafi una Naxariisan.
6|55|Saasaanu u Kala Bixinaa Aayaadka si ay u Caddaato Jidka Dambiilayaasha.
6|56|Waxaad Dhahdaa waxaa layga Reebay inaan Caabudo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka soo Hadhay, waxaad Dhahdaa Raaci maayo hawadiinna oon Dhumo markaas Nogoninna kuwaan Hanuunsanayn.
6|57|Waxaad Dhahdaa waxaan ku Sugnahay Xujo Eebahay waadna Beeniseen Xaqaas, agtayda ma aha waxaad Dadajisanaysaan, Xukunkana Eebaa iska leh, Xaquuna Xukumi, waana kuu Xukunkiisu Khayr Leeyahay.
6|58|Waxaad Dhahdaa hadduu Yahay agtayda waxaad Dedejisanaysaan (Cigabta) waxaa Ia kala Xukumi Lahaa Dhexdeenna Eebana waa Ogyahay Daalimiinta.
6|59|Eebe Agtiisa waxaa ah Furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna Ogyahay waxa Barriga iyo Badda ku Sugan, wixii Caleena oo Dhacdana wuu Ogyahay, Xabbad Masaga ah oo Mugdiga Dhulka ku Sugan iyo wixii Qoyan ama Ingagan waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
6|60|Eebe waa kan idin Oofsada Habeenkii ogna waxaad Fashaan Maalintii Markaasna idin soo Bixiya in la Xukumo Ajal Magacaaban Xaggiisaana laydiin Celin, markaasuu idiinka warami waxaad Falaysaan.
6|61|Eebe waa kan ka Sarreeya Addoomadiisa, wuxuuna idiin soo Diraa ILaaliye markuu u Yimaaddo Midkiin Mawdku waxaa Oofsata «Disha» Malaa'igtanada mana Gabood Falaan.
6|62|Markaasa loo Celin Dadka Xagga Sayidkooda Xaqa ah isagaana leh Xukunka Dedejiyana Xisaabta.
6|63|Waxaad Dhahdaa Yaa idinka koriya Mugdiga Barriga iyo Badda ood u Baridaan Isdullayn iyo Qarsoodi, Idinkoo dhihi Hadduu naga koriyo Tan waxaan ka mid Noqonaynaa kuwa Mahadiya.
6|64|Waxaad Dhahdaa Eebaa idinka Koriya Taas iyo Shiddo Kasta, Markaasaad u Shariigyeeshaan.
6|65|Waxaad Dhahdaa Eebe waa kan kara inuu idinku soo Daayo Cadaab Korkiinna ama Lugihiinna Hoostooda ama idin qaso (idinka yeelo) Kooxo uu Dhadhansiiyo Qaarkood qaarka kale Dhibkiisa, bal day Sidaan ugu Caddaynaynno Aayaadka inay Kasaan.
6|66|Waxaa Beeniyey (Quraanka) Qoomkaagii Isagoo Xaq ah, waxaad Dhahdaa kama ahi Korkiinna Wakiil (ILaaliye).
6|67|War kasta Meel uu ku Sugnaado yuu leeyahay Waadna Ogaandoontaan.
6|68|Markaad Aragtaan kuwa dhumban Aayaadkanaga, isaga Jeedso intay ka Dhumbadaan Sheeko kale, haddduu ku Halmaansiiyo Shaydaanna ha Fadhiyin Xusuusta ka Dib Daalimiinta Agtooda.
6|69|Kuwa Dhawrsoonna Xisaabtooda waxba kaama Saarra Laakiin waa Waano inay Dhawrsadaan.
6|70|Iskaga tag Kuwa ka Yeeshay Diintooda Ciyaar iyo Madaddaalo kuna Kadsoomay Nolosha Dhaw Xusuusina intaan laga Abaalmarinin (Loa Xabisin) Nafi waxay kasbatay lyadoon Lahayn Eebe ka sokow Wali «Sokeeye» iyo Shafeece midna. Hadday isku Furato Furasho oo Dhanna lagama Qaado, Kuwaasu waa kuwa loo Dhiibay (Ilaag) waxay kasbadeen Dartiis, waxayna Mudan Cabbid KuluI iyo Cadaab daran, Gaalnimadooda Darteed.
6|71|Waxaad Dhahdaa ma Caabudaynaa Eebe ka sokow waxaan na Anfacayn nana Dhibayn oo Dib naloo Celin (Gaalnimo) inta Eebe Hanuuniyey ka Dib, Sida kan ay ku Wareerisay (Dhumisay) Shayaadiintu Dhulka Isagoo Saaxiibbo ugu Yeedhi Hanuunka leh oo ku Leh noo Kaalay, waxaad Dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana Nala Faray inaan u Hogaansanno Eebaha Caalamka
6|72|Oogana Salaadda kana Dhawrsada Eebe waa kan Xaggiisa laydiin soo Kulmine.
6|73|Waana kan Eebe u Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Xaq Maalinta uu Dhihi Ahow wuu ahaan (waxaasu) Hadalkiisu waa Xaq, wuxuuna Leeyahay Xukunka Maalinta la Afuufi Suurka, waana Ogyahay wax Maqan (la arkayn) iyo waxa Joogaba, waana Falsame Xeel Dheer.
6|74|Ka Warran markuu ku Yidhi (Nabi) Ibraahim Aabihiis Aazara ma waxaad ka Yeelan Sanamyo ILaahyo, waxaan kugu Arkaa adiga iyo Qoomkaagaba Baadi Cad.
6|75|Saasaan u Tusinnay Ibraahim Xukunka Samooyinka iyo Dhulka inuu ka Mid Noqdo kuwa Yaqiiniya (Xaqa).
6|76|Markuu ku Maddobaaday Habeenku wuxuu Arkay Xiddig Wuxuuna Yidhi kani ma Eebahaybaa, markuu Dhacay wuxuu Yidhi ma Jedi kuwa Dhaca.
6|77|Markuu Arkay Dayaxa oo soo Muuqda wuxuu yidhi kani ma Eebahaybaa markuu Dhacay wuxuu Yidhi Hadduusan I hanuunin Eebahay waxaan ka mid Noqon kuwa Dhuma.
6|78|Markuu Arkay Qorraxda oo soo Muuqata wuxuu Yidhi kani ma Eebahaybaa kanaa wayne, Markay Dhaeday wuxuu Yidhi Qoomkayow Bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan (Eebe).
6|79|Anugu waxaan u Jeediyey Wajigayga Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka anoo Toosan oon ka mid ahayn Gaalada.
6|80|Way Ladoodeen Nabi Ibraahim Qoomkiisii, wuxuuna yidhi ma waxaad igula Doodaysaan Eebe, Isagoo I hanuuniyey, oonan ka Cabsanayn waxaad la Wadaajinaysaan, in Eebahay wax doono Mooyee, Eebahay waa u Waasac (Awoodleeyahay) wax kasto Ogaansho, niyeydaan Xusuusanayn (wax).
6|81|Sideen uga Cabsan waxaad la Wadaajiseen, idinkuna aydaan ka Cabsanayn inaad la Wadaajiseen Eebe wuxuusan u soo Dejinen Xujo, ee Labada Kooxood (Muslimka iyo Gaalada) koodee mudan Nabdagalyo Haddaad wax Ogtihiin.
6|82|Kuwa Xaqa Rumeeyey oon ku Dheehin Iimaankooda Dulmi (Gaalimo) kuwaasaa Nabadgalto u Sugnaatay Hanuunsanna.
6|83|Taasina waa Xujadanadii aa u siinnay Ibraahim Qoomkiisa waxaan koryeelaa Darajaadka Ciddaan Doonno Eebahaana waa Falsame Oge ah.
6|84|Waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub Dhammaana waan Hanuuninay, Nabi Nuuxna waan Hanuuninay waqti Hore, waxaana ka mid ah Faraciisii Nabi Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, Saasaana ku Abaal marinaa Samofalayaasha.
6|85|Iyo Zakariye, Yaxye, Ciise ILYaas, Dhammaana waxay ahaayeen kuwo Suubban,
6|86|Iyo Ismaaeiil Alyasac, Yuunus, iyo Luudh, Dhammaana waxaad ka Fadilnay Caalamka.
6|87|Iyo Aabayaalkaod iyo Faracoodii iyo Walaalahood waana Dooranny waana ku Hanuuninay Jidka Toosan.
6|88|Kaasi waa Hanuunki Eebc wuxuulla ku Hanuuniyai Cidduu Doono oo ka mid ah Addoomadiisa hadday wax La wadaajiyaari Eebana waxaa ka Bun waxay Fali Jireati.
6|89|Kuwaasu ‘awn kuwaan siinay Kitaabka, Xukunkniiyo Nabixinuada, fladday ka Gaaloabaanna Kuwaasu aCjaalada Makaads waxaan a a’akaalanayQoom ann ka (Jaaloobayn, (Muslimiinta).
6|90|Kuwuas (Nabiyada) waeye kuwu Eebe hasiuusniyey ee Hanuunkouda kit dayo. waxaadssa Dhahdaa ldirna warsananyc LJjuuro, eewaauunwaanada caalsmka
6|91|Mayna Waynaynin kebe Waynaantiiia Xaqa ah, Mackay Dhw been Kuma son Dejin hebe Dad waxba, waxtad t}hahdaa yaa 500 Dejiyey Kitaahkii uu Iayimid Nahi M anne Isagoo ftiin Hanuunna u ab Dadka ood YeeIaysecn wurqado and Muujisaan. nodsin qurisuan wan Budun, waxawna laydin Baray waxaydaan Aqoonin idinku iya Aubaynnlkiin, waxaud Dhuhdau Eebaa (sun Dejiyey) markaus saga tag Dhumbaahudusnda lyagon Ciyaari
6|92|Kanna wan Kitaub aan soo Dejinay oo Barakaysan, oo Runiayn wixii ka Horreeyey iyo inaad ugu Digtid Maka ye Dhinaeyadeeda. kuwa Rumayn Aakhira waxay Rumeyn Quraanka salaaddana way ILaalin.
6|93|Yaa ka Dambi Radon Cid ku Been Abuuratay Eaba ama Yidhi waa Lay Wanyaoday Isagoon Ion Waxyoonin Waxba. iyo Ckldii Dhahda waxaan son Dejin waxa Eebe soo Dejiyey no kale. Haddaad Araglo markay Daalmiintu Sakaraadka Geerida ko Suganyihiin Malaa'igtuna ku E)hihi Iyagoo ku Taogi Gacmaha Bixiya Naftiina Maanta waxaa laydinku Ahaal maria Cadaab Dulli ah waxaad ku Dhahayseen Eebe Xaqdarro ood Ahaydeen kuwu Iska Wayneeya Aayadkiisa (Waxaad as-ki lahayd wax Wayn).
6|94|Waxaad Noogu Timaaddeen Kali Kali Sidaon idiinku Abuuray Marka hoc waxaadna kaga Timaaddeen waxaan idinku Nicmaynay Gadaashiina mana ku Aragno Agtiina Shafeecayaalkiinnii and Sheegayseen slay Shuruko Yihiia. waxaana Go'ay Xidhiidhkiinnii waxaana Dhumay waxuad Sheeganeyseen.
6|95|Eebaa Jeexa Xabbadda Midhaha ah, iyo Timirta, wuxuuna ka soo Bixiyaa wax Nool wax dhimaad ah, kana soo Bixiyaa wax Dhimaad ah wax Nool, Kaasi waa Eebe ee Xaggee laydiinka lili (Xaqa).
6|96|Eebe waa kan Abuuray Iftiinka kana Yeelay Habeenka Xasil, Qorraxda iyo Dayaxana Xisaab, Taasina waa Maamulka Eebe Adkaada ee og.
6|97|Eebe waa kati idiin Yeelay Xiddigo inaad ku Toostaan Mugdiga Barriga iyo Badda, waxaan u Caddaynay Aayaadka Ciddii Garan.
6|98|Eebe waa kan Idinka Abuuray Naf kaliya (Nabi Aadam) ldiinna Yeelay Sugnaansho iyo Hoyosho, waan u Caddaynay Aayaadka Ciddi wax kasi.
6|99|Eebe waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo kuna soo Bixinno Doog Cagaaran oon ka soo Saarro Midho kala Koreeya, Timirtana Fiiddeeda ah Laamo Dhow, Beerana (waan ku so Bixinaa) oo ah Cinab, Zaytuun, Rummaan (qaar) Isu eg, iyo Qaar aan Isu Ekayn, Daya Midhihiisa markuu Midho Dhalo iyo Bisaylkiisa Taasina Calaamaa ugu Sugan Ciddii wax Rumayn.
6|100|Waxay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinni ah Isagoo Abuuray waxay ku Sheegeen(Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn, waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi.
6|101|Eebe waa Kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka sideese Ilmo ugu ahaan Isagoon Haweenay lahayn wax walbana Abuuray wax kastana Og.
6|102|Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray ee Caabuda wax walbana isagaa u Wakiil ah (ILaaliya).
6|103|Ma haleesho Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe lamase Arko adduunka) Waana wax Oge Xeeldheer.
6|104|Waxaa idiin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshana Naftiisuu Dhibay, anna ma ihi mid idin ILaalin.
6|105|Saasaannu u gagadinnaa (Caddaynaa) Aayaadka inay Dhahaan waad Akhrisatay iyo Inaan u Caddayno Ciddii wax Garan.
6|106|Raac nabiyow waxa lagaaga Waxyooday Xagga Eebahaa ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro kana Jeedso Mushrikiinta.
6|107|Hadduu doono Eebe mayna la Wadaajiyeen kaagamana aanaan Yeelin Ilaaliye Wakiilnakama tihid.
6|108|Ha Caayin waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oo Markaas iyana Caayaan Eebe Colnimo iyo Cilmi la'aan, saasaan ugu Qurxinay ummad kasto Camalkeeda Xagga Eebe Umbayna Noqoshadoodu tahay wuxuuna uga Warrami waxay Fali Jireen.
6|109|Waxay ku Dhaarteen Gaaladii Dhaar Adag, Hadday soo Gaadho Aayadi inay Rumaynayaan, waxaad Dhahdaa Aayaadku waxay Jiraan Eebe Agtiisa, Miyeyse Ogyihiin Hadday Aayaddu soo Gaadho inayna Rumaynayn.
6|110|Waxaannu Gaddin Quluubtooda iyo Araggooda Sidayna u rumayn, Markii horaba waxaana ku Daynanaa Iyagoo ku Wareersan Xadguddybkooda.
6|111|Haddaan ku soo Dejinno Malaa'ig oo Dadkii Dhintay la Hadlo oon wax kasta Hortooda ku soo Kulminno, mayna rumeeyeen in Eebe doono mooyee, Hase Yeeshee Badankood waa Jaahiliin.
6|112|Saasaan ugu Yeellay Nabi Kasta Col Shaydaan Insi iyo Jinniba leh, oo Qarkood qaarka kale u Waxyoon (Sheegi) Hadal la Dhoob-Dhoobay Dhumin Darteed. Hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Iskaga Tag iyaga iyo waxay Been-Abuuran.
6|113|Iyo in ay Maqasho Quluubta Kuwaan Rumayn Aakhiro, iyo Inay ka Raalli Noqdaan, iyo inay Kashadaan waxay Guranayeen.
6|114|Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yaan u Dooni Xaakim Isagoo idiin soo Dejiyey Kitaabka oo la Caddeeyey kuwaan Siinay Kitaabka waxay Ogyihiin in Quraanka laga soo Dejiyey Xagga Eebahaa ee ha Noqonin kuwa Shakiya.
6|115|Waxay ku Taam Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle og.
6|116|Haddaad Maqashid waxa Dhulka ku Sugan Badankooda waxay kaa Dhumin Jidka Eebe, mana Raacayaan waxaan Malo ahayn waana Beenaalayaal.
6|117|Eebahaa yaa og Cidda ka Dhumi Jidkiisa, Isagaan og Cidda Hanuunsan.
6|118|Ee Cuna waxa Magaca Eebe lagu Xusay Haddaad Aayadkiisa Rumaynasaan.
6|119|Maxaad la cuni waydeen waxa Magaca Eebe lagu Xusi, Isagoo laydiin Caddeeyey waxa Laydinka Reebay inaad Dhibbantihiin Mooyee, wax Badan waxay ku Dhumin (Dadka) Hawadooda Cilmi darro, Eebahaana waa Ogyahay kuwa Xad-gudba.
6|120|Ka Taga Dambiga Muuqda iyo Kan Qarsoonba, kuwa Jasbada Dambigana waxaa laga Abaal marin waxay Kasbanayeen.
6|121|Ha cunina waxaan lagu Xusin Magaca Eebe, illeen waa Xumaane, Shaydaamaduna waxbay u Sheegaan Saaxiibkooda inay idinla murmaan, Haddaad Maqashaanna waxaad Noqonaysaan Gaalo.
6|122|Cid mayd ahayd oon noolaynay oon u Yeellay Nuur uu ku Dhex socdo Dadka ma lamidbaa mid Mugdi ku Sugan oo ka baxayn, Saasaana loogu Qurxiyey Gaalada waxay Falayeen.
6|123|Saasaan ugu Yeellay Magaalo kasto Dambilayaal waawayn, inay wax ku Dhagraan Dhexdeeda, waxaan Naftooda ahayna ma Dhagrayaan masc oge.
6|124|Markay soo Gaadho aayad waxay Dhahaan Rumayn maynno inta nalooga keeno wixii la siiyey Rasuuladii Eebe Ilaahay baana og Meejuu Yeeli Rasuulnimada waxaana ku Dhiei kuwii Dambaabay Dulli Eebe Agtiisa ah iyo Cadaab Daran waxay Dhagrayeen Darteed.
6|125|Cidduu Eebe Hanuuniyo wuxuu u Waasieiyaa Laabtiisa Islaamka, Cidduu Doono inuu Dhumiyana wuxuu ka sidii Isagoo kori Samada saasuuna u Yeelay Eebe Xumaanta korka Kuwaan Rumaynin Xaqa.
6|126|Wakaas Jidkii Eebahaa oo Toosan Aayaadkana waxaan u Caddaynay Ciddii wax Xusuusan.
6|127|Waxayna Mudanyihiin Guri Nabadgalyo oo Eebahood Agtiisa ah Isagaana Gargaarahooda ah waxay Camal falayeen Dartiis.
6|128|Xusuuso Maalintuu Eebe Kulmin Dhammaantood (kuna Dhihi) Kulanka Jinniyow waad badsateen (Baadiyeynta) Insiga waxayna Dhehaan Saaxiibadood oo Insiga ah Eebahannow Qaarkanno qaarbuu ku shaqaystay waxaana Gaadhnay Ajashaad (Mudadaad) noo Samaysay, wuxuuna ku yidhi Naarbaa Iloyaadkiina ah idiinkoo ku Waari Dhexdeeda wuxuu Eebe doono Mooyee, Eebahaana waa Falsame Oge ah.
6|129|Saasaana ugu Dirraa Daalimiinta Qaarkood Qaarka kale waxay Kasbanayeen Darteed.
6|130|Jinni iyo Insiyow Miyuuna idiin Imaanin Rasuuloo Idinka mid ah oo iddinka Warrama Aayaadkayga idiinkana Diga la kulanka Maalintan waxayna Dheheen waan ku Marag furray Naftanada waxaana Dhagartay Nolosha Dhaw, waxayna ku Marag fureen Naftooda inay gaalo ahaayeen.
6|131|Arrintaasna waa Inaan Eebahaa halaagin Magaalo Dulmi Dartiis iyadoo Dadkeedu halmaansanyihiin (aan loo digin).
6|132|Cid kasta Darajooyin yey Leedahay oo waxay Camal fashay ah Eebahaana ma ah mid halmaansan waxay Camal Faleen.
6|133|Eebhaaana waa Hodan Naxriis badan, Hadduu Doono wuu idin Baabi'in idinkuna Bedali Gadaashiin Ciduu Doono siduu iddinka Abuuray Faracii Qoom kale.
6|134|Waxa laydiin Yaboohi wuu Imaan Eebana ma daalisaan.
6|135|Waxaad Dhahdaa Qommkayow ku Camal Fala Sidiinaas, anna waan Camal faliye, waxaadna Ogaan doontaan Cidday Cidhib Dambe u ahaatee mana Liibano Daalime.
6|136|Waxay uga yeeleen Eebe wuxuu Abuuray oo Beero iyo Xoola ah qayb, waxayna Dheheen kan Eebaa iska leh Sheegashadooda kanna waxaa iska leh Shurukadanada (Sanamyda) waxa Sanamyadu ma Gaadho Eebe, waxa Eebana wuxuu Gaadhaa Sanamyadooda waxaa Xun waxay Xukumeen.
6|137|Saasayna ugu Qurxiyeen in Badan oo Gaalada ah Dilidda Caruurtooda Shurukadoodu, (Shayaadiintu) inay Halaagaan kana Khaldaan Diintooda, hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Isaga Tag iyaga iyo waxay Been Abuuran.
6|138|Waxay Dheheen Tan waa Niemooleey iyo Beer Reeban oosan ka Quudanayn Cidaan Doonno Mooyee, Sheegashadooda, iyo Niemoolay la Xarrimay Dhabarkeeda (In la rarto) iyo Niemoolay aan Magaca Eebe lagu Xusayn, ku Been abuurasho Darteed wuxuu ka Abaal marin Eebe waxay Been Abuuranayeen.
6|139|Waxay Dheheen Gaaladii waxa ku Jira Uurka Niemoolaydan waxay Gaar u tahay Raggannaga waxayna ka Reebantahay Haweenkannaga hadday Bakhti tahayna way wadaagi wuxuu ka Abaal marin Eebe Tilmaantooda, Illeen waa Falsame Oge.
6|140|Waxaa Dhab u Khasaaray kuwa Dilay Caruurtooda Caqli Xumo Darteed iyo Cilmi la'aan oo Reebay wixii Eebe ku Arzuqay Been abuurasho Eebe Darteed way Dhumeen mana Hanuunsana.
6|141|Eebe waa kan soo Bixiyey Beero la Dhisay iyo Kuwaan Dhisnayn, iyo Timir, iyo Tallad kala Duwanyahay Cunidiisu, iyo Saytuun, iyo Rumaan isu eg iyo qaaraan isu ekeyn, ka Cuna Midhihiisa (Sakada) Maalinta la goyn, hana Xad Gudbina Eebe ma Jeela kuwa Cadgudbee.
6|142|Niemoolayda waxaa ka mida mid la Rarto, iyo mid kuwa yar yara, ka Cuna waxa Eebe idinku Arzaaqay hana raacina Tallaabooyinka Shaydaanka Illen waa Colkiinna oo Cade.
6|143|Waa Siddeed Nooc Labo Ido ah iyo Labo Riyo ah (Lab iyo Dhidig) ma Labada lab yuu Reebay Eebe Mise Labada Dhadig Mise waxa Uurka kuwa Dhadig ku Jira, noo Warrama cilmi haddaad Run Sheegaysaan.
6|144|Geelana Labo ka mida Lo'dana labo dheh ma labada Lab yuu Eebe reebay mise kuwa Dhadig mise waxa Uurka kuwa Dhadig ku Jira, mise Maragbaad ka ahaydeen markuu idin Faray Eebe Sidaas, Yaase ka Dulmi badan Cid ku Abuuratay Eebe, inuu Dhumiyo Dadka Cilmi Darro, Eebana ma hanuuniyo Qoom Daalimiina.
6|145|Waxaad Dhahdaa kama helayo waxa laywaxyooday wax ka Reeban Cidda Cuni oon ahayn, Bakhti, Dhiig Butaaci, Hilib Doofaar, Illen waa Nijaase iyo wax Xun oo lagu Gawracay Magaca Eebe waxaan ahayn, Ruuxii Baahda Dulmi iyo cadgudub la'aan, Eebahaa wuu u Dambi Dhaaf una Naxariisan (hadduu baahidaa u Cuno)
6|146|Kuwa Yuhuudda ah waxaan ka reebnay wax kastoo Ciddi leh, Lo'da iyo Adhigana waxaan ka reebnay Baruurtooda, waxay Dhabarka ku qaadaan (Baruurta Dhabarka) mooyee, ama Uur ku Jirta ama wixii ku Dheehan Laf, saasaana ku Abaal marinay Dulmigooda Dartiis, Runbaana Sheegaynaa.
6|147|Hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa Eebihiin war Naxariis badane lagamana Celiyo Ciqaabtiisa qoomka Dambiilayaasha ah.
6|148|Waxay Odhan kuwii Gaaloobay Hadduu Eebe Doono, maanaan Gaalowneen Anaga iyo Aabayowganno, waxna maanaan Xarimneen saasayna u Beeniyeen kuwii ka horreeyey intay ka Dhadhamiyaan Ciqaabtanada, waxaad dhahdaa Agtiinna Cilmi mayahay aad noo soo Bixisaan (Muujisaan) waxaan malo ahayn ma Raacaysaan waxaadna uun tihiin Beenaalayaal,
6|149|Waxaad Dhahdaa Eebaa iska leh Xujada Wayn, hadduu doonana wuu idin Hanuunin Dhammaan.
6|150|Waxaad Dhadaa keena Markhaatgiina idiin Marag Furi in Eebe Reebay kan (aad Reebteen) hadday Marag Furaan ha marag furina la Jirkooda, hana raacina hawada kuwa Beeniyey aayaadkanaga, kuwaan Rumaynin Aakhiro Iyaguna Eebahood waxbay la simman.
6|151|Waxaad Dhahdaa Kaalaya aan idiin Akhriyo waxa Eebe idinka reebaye, waa inaydaan wax la Wadaajin, Labada waalidna waa inaad u samo Fashaan (Oydaan Caasiyin) oydaan laynna Caruurtiinna Saboolnimo (Baahi) Anagaa idinka iyo Iyagaba Arzaaqi, hana u Dhawaanina Xumaanta teeda muuqata iyo Teeda Qarsoonba, hana dilina Naftii Eebe Reebay in Xaq darro lagu Dilo, saasuuna Eebe idin fari inaad wax kastaan.
6|152|hana u Dhawaanina Xoolaha Agoonta si Fiican mooyee intay ka Gaadhaan Xoogooda, Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, si Caddaalada, laguma kalifo Nafi waxayna karin haddaad hadlaysaanna Caddaalad fala, Qaraababa ha ahaadee, oofiyana Ballanka Eebe, Sidaasaana Eebe idin faray inaad waantoowdaan.
6|153|Kaasinawaa Jidkayga toosan ee Raaca, hana Raacina Wadiiqaha oo idin la kala Tago (Idinka leexiyo Jidka Eebe) Saasaana Eebe idin faray inaad Dhawrsataan.
6|154|Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan.
6|155|Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin Naxariisto.
6|156|Oydaan Dhihin waxaa uun Kitaab lagu soo Dejiyey Labadii qolo ee naga horreeyey, anaguna ma naqaanno Cilmigoodii.
6|157|Ama aydaan dhihin haddii Nalagu soo Dejiyo Kitaab waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga, waxaa idiinka yimid Xujo (Cad) xagga Eebihiin, iyo Hanuun, iyo Naxariis, cid ka dulmi badanna ma jirto mid beenisay Aayaadka Eebe oo ka Jeedsatay, waxaannu ku Abaal marin kuwa ka Jeedsada aayaadkanaga Cadaab Xun Jeedsigooda dartiis.
6|158|Ma waxay Sugayaan inay Eebe iyo Malaa'igta la Kumaan ama u Yimaaddaan Aayadaha Eebahaa Qaarkood Maalintay u Imaan Aayadaha Eebahaa qarkood wax uma tarto Naf rumayn iyadoon horay u Rumayn ama aan ku Kasban iimankeeda Khayr, waxaad Dhahdaa suga Anaguna waanu Sugaynaa.
6|159|Kuwa ku kala tagay Diintooda oo noqday Kooxo, ka mid ma tahid, Amarkoodana Eebe umbaa iska leh markaasuu uga warrami waxay Falayeen.
6|160|Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu mudan Toban la mid ah Ciddii la Timaadda Xumaanna waxaa laga abaal mariyaa mid la mid ah lamana Dulmiyo.
6|161|Waxaad Dhahdaa wuxuu Igu Hanuuniyey Eebahay Jid Toosan Diin Sugan oo Diinti (Nabi) Ibraahim isagoo toosan oon gaalada ka mid ahayn.
6|162|Waxaad Dhadaa Salaaddayda, waxaan Gawriei, Noloshayda iyo Geeridaydaba Eebaa iska leh Eebaha Caalamka ah.
6|163|Wax la Wadaagana ma jiro, Saasaana lay faray Anigaana ugu Horreeya Muslimiinta (Ummaddan).
6|164|Waxaad Dhadaa ma wax ilaah ka soo hadhay yaan Eebe ka dooni (Dhigan) Isagoo ILaahay wax walba Eebe u ah, naf kastana waxay kasbato waa uun Korkkeda, Nafna Dambi naf kale ma Qaaddo, Xagga Eebihiin umbaana laydiin Celin, wuxuuna idiinka warrami waxaad isku Diidanaydeen.
6|165|Eebana waa kan idinka Yeelay kuwo Dhulka u Hadhay, Qaarkiinna qaar ka sara mariyey Darajooyin, inuu idinku Imtixaamo wuxuu idin siiyay, Eebana waa Deg degtaa Ciqaabtiisu waana Dambi Dhaafe Naxariista.
7|1|(Waxay ku Tusin Muejisada Quraanka).
7|2|Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna Laabtaada Dhibi (Cidhiidh) ahaan inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta.
7|3|Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo Awliyo ah (Gargaara ah) yaraana intaad Waantoobaysaan.
7|4|Badanaa Intaan Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen) ama Qayluushan (Maalin).
7|5|Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay Dhahaan annagaa daalimiin ahayn.
7|6|Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku Jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
7|7|Waana uga Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn.
7|8|Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican) Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
7|9|Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa Khasaariyey Naftooda Dulmigay ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis.
7|10|Waxaan idin Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay Meel lagu Noolaado, waxaase yar Intaad Shukriyeysaan.
7|11|Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin Suuraynay, markaasaan ku midhi Malaa'igta u Sujuuda (Nabi) Aadam (Salaan) wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa Sujuuda.
7|12|Wuxuu Yidhi (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yidhi anaa ka Khayr roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo.
7|13|Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex Kibriside, Bax waxaad ka mid tahay kuwa Dullaysane.
7|14|Wuxuu Yidhi ii sug tan iyo Maalinta la soo Bixin.
7|15|Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
7|16|Wuxuu Yidhi Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan Dhumin).
7|17|Waxaana kaga iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo Bidixda mana hekaysid badankooda oo Shugriyi.
7|18|Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda adoo Caayan oo la Dheereeyey, Ciddii ku raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo Dhammaantiin.
7|19|Nabi Aadamow Dega Adiga iyo Haweenaydaadu Jannada, kana Cuna Meejaad Doontaan, hana u Dhawaanina Geedkan, ood Noqotaan Daalimiin.
7|20|Waxaana Waswaasiyey Shaydaan, inuu ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo Cawradooda ah, wuxuuna Yidhi wuxuu idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin Malaa'ig, ama aydaan waarin.
7|21|Wuxuuna ugu Dhaartay inaan idiin ahay Naseex.
7|22|Wuuna soo Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen Geedka waxaa u muuqday Xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya Caleenta Jannada waxaana u Yeedhay Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan, oonan Idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay Col Cad.
7|23|Waxayna Dheheen Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.
7|24|Wuxuu Yidhi Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu Col u yahaye, waxaan Dhulka idiinku Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo.
7|25|Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan Xaggiisaana laydinka soo Bixin.
7|26|Banii Aadamow waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka Eebe inay Dadku wax Xusuustaan.
7|27|Banii Aadamow Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada, isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa.
7|28|Markay Falaan Xumaanna waxay Dhahaan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno Eebaana na faray iyada, waxaad Dhahdaa Eebe ma faro Xumaan ma waxaad ku Dhahaysaan Eebe waxaydaan Ogayne.
7|29|Waxaad Dhahdaa wuxuu faraa Eebe Cadaaladda iyo inaad u Jeedisaan Wajigiinna (Xagiisa) Masaajidkasta Agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli Diinta siduu idinku Billaabay Yaad ku soo Noqonaysaan.
7|30|Koox wuu Hanuuniyey, Kooxna waxaa ku sugnaaday korkooda Baadi, maxaayelay waxay ka Yeesheen Shayaadiinta Awliyo, waxayna u Malayn inay hanuunsanyihiin.
7|31|Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee.
7|32|Waxaadna Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha Adduunyo Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga Ciddii wax Og.
7|33|Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa».
7|34|Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama dibmaraan Saacad kamana hor maraan.
7|35|Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan.
7|36|Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari.
7|37|Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo Dili waxay ku Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way naga Dhumeen, waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo.
7|38|Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh, markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.
7|39|Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed.
7|40|Kuwa Beeniyey Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha,
7|41|Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
7|42|Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin, Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari.
7|43|Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan (Wanaagga) Maanaan hanuuneen haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii Eebaheen Xaq, waxaana loogu Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey Camalkiinna Dartiis.
7|44|Waxay u Dhawaaqaan Ehelu Jannuhu Ehelu Naarka waan hellay wixii Eebe Noo Yaboohay si Dhab ah ee idinku ma Hesheen wuxuu idiin yahoohay Eebe si Dhab ah, waxayna Dhahaan haa waxaana ka dhawaaqa Dhexdooda mid Dhawaaqa Laenadda Eebe ha ku Dhaedo Daalimiinta.
7|45|Ah kuwa ka Celiya Dadka Jidka Eebe lana Doona Qallooca, Iyagoo Aakhiro ka Gaaloobay.
7|46|Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab Aeraafkana (Meel sare) waxaa ahaan Dad ku Garan Cid Kasta Calaamaddooda, wacayna u Dhawaaqaan Ehelu Jannaha iyagoo ku leh Nabadgalyo Korkiina ha ahaato, mayna galin Jannada wayse damci.